Sign in to follow this  
General Duke

Demonstration in Baidoa for security...

Recommended Posts

Hadalkii Baydhabo ee C/lahi yusuf oo Maanta dhaliyay banaanbax

 

(Baydhaba }15.04-06

Waxaa haatan ka soconaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay qaban qaabada banaanbax weyn oo ay ka qeyb galayaan intabadan xubnaha waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle iyo weliba shacbi weynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo..........................

 

kaasoo looga dalbanayo siyaasiyiinta beelahaasi inay si deg deg ah gobolka Bay uga hir geliyaan maamul gobol.

 

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen xubno isugu jira madaxda ururo bulsho oo ka dhisan Baydhabo iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha halkaasi ku dhaqan ayaa la tilmaamay in lagu taageerayo hadalkii madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ahaa in muddo 15 cisho gudahood ah maamul loogu sameeyo gobolka Bay,

 

iyadoo sidoo kalena looga hor jeedo nabadgelyo darida ku soo korortay magaaladaasi todobaadyadii ugu dambeysay kuwaasoo geystay qasaare dhimasho leh.

 

Banaanbaxayaasha ayaa lagu wadaa inay socod ku soo maraan waddooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo, iyadoo haatan qaban qaabadooda ka wada barxada weyn ee afar irdoodka,

 

iyadoo wararkuna intaasi ay ku darayaan in banaanbaxan lagu wado inuu ka soo qeyb galo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Jordan@Widhwidh.com

 

 

Dib Ugu Noqo Bogga hore Ee Widhwidh Online!

Share this post


Link to post
Share on other sites

midnimo.com

 

Banaanabax lagu taageerayo nabda ka dhalatay Magaalada Baydhabo oo goor dhow halkaas ka billowday

Posted to the Web Apr 15, 09:39

 

 

Baydhabo (PP) - Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa ka socda banaanabax lagu taageerayo nabadda Gobolkaas iyo gaar ahaan midda magaalada Baydhabo.

 

Magaalada Baydhabo oo xilliyadii ugu dabmeeyay ahayd meel ay amaandarro xooggan ka jirto ayaa dadka dhigaya isku soo baxaan waxay ku muujinayaan sida ay u doonayaan in magaalada Baydhabo ay u noqoto meel ay ka jirto kala dambeyn iyo nabad buuxda.

 

Isku soo baxaan oo ay soo qabanqaabiyeen xubnaha dowladda ugu jira beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay sheegeen inuu ka soo qaybgalayo guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ugu dambeyn hadal u jeedin doona dadka isku soo baxay ee shucuurtooda muujinaya.

 

Madaxda isku soo dubo-ridday bannaanbaxaan ayaa waxay sheegeen in dadka isku soo baxa ka qaybgalaya ay socod ku soo mari doonaan dhammaan waddooyinka waaweyn ee degmada Baydhabo, iyagoo socodkoodaas ka billaabay goor dhow bartamaha magaalada Baydhabo halka lagu magacaabo Afar-irdoodka.

 

Bannaanabaxaan ayaa noqonaya mid ay ku muujiyaan dadweynaha Reer Baydhabo sida ay ugu xun yihiin dhibaatooyinka soo laalaabtay ee ka taagan gudaha Magaalada Baydhabo iyo daafaheeda oo ay sheegeen inay geysteen khasaarooyin aad u fara badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac intaba.

 

Magaalada Baydhabo ayaa xilliyadii ugu dambeeyay waxaa ka jiray dhibaatooyin ay dhaliyeen ammaandarro ka jirta Degmadaas, waxaan dhibaatadii dhacday ugu dambeysay rasaas ay is weydaarsadeen Ilaalada Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Kooxo ka soo jeeda Beesha Jilible oo ay isbaaro u taallay banaanka magaalada Baydhabo, waxaana ku geeriyooday laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Ganacsade iyo nin Maleeshiyo ah, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 6-ruux oo kale oo dhaawacyadooda qaarkood lagu daweynayo isbitaalka Magaalada Baydhabo.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlnadpost – Mogadishu – Somalia

Contact E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this