Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Diaspora Forum: Organising the largest Somali' group worldwide

Recommended Posts

Golaha Gurbajoogta Puntland, cutubka Minnesota (Puntland Diaspora Forum, MN Chapter) oo soo bandhigay himilada iyo yoolka guud ee golaha.

 

zpdf_mn4l.jpg

 

Minneapolis, June 20 | Waxaa maanta lagu qabtay mid ka mid ah hoolalka shirka ee Jaamacada Minnesota (UoM) shir aad u balaaran oo uu soo qabanqaabiyey Golaha Qurbajoogta Puntland, cutubka Minnesota oo ay ka soo qayb galeen in badan oo ka mid ah Qurbajoogta Puntland ee DG Minnesota.

 

Ujeedada shirka ayaa ahayd in bulshada Puntland ee Minnesota loo soo bandhigo himilada guud iyo yoolka dheer ee Golaha.

 

Shirka ayaa waxaa bilawgii ka hadlay M/weynihii hore ee Puntland Md. Maxamed Cabdi Xaashi oo milicsi iyo tixraac taariikheed ee Puntland sameeyey, kuna booriyey dadka reer Puntland midninmo, wadatashi iyo iskaashi dhex mara.

 

M/weyne Xaashi oo ka hadlay midnimada shacabka Puntland ayaa sheegay in ay jiraan dad had iyo jeer xagal-daaciya danaha ummadda, oo aalaaba hoodaado iyo dibindaabyo ku qaybsan; waxaa uu ka digay in dadkaas la iska ilaaliyo, laguna dadaalo iskaashi dhex mara bulshada.

 

M/weyne Xaashi waxaa uu xusay in marka dadka Puntland ay muqaafaqo iyo iskaashi yeeshaan ay horumar ku talaabsan karaan, Somalida kalena ay wax tari karaa.

 

Waxaa isna ka hadlay M/weynaha Golaha Qurbajoogta Puntland (Puntland Diaspora Forum) Ambassador C/qaadir A. Xaashi oo isna tafaasiil ka bixiyey taariikhda golaha oo sida uu sheegay la aasaasay 17-kii Agosto, 2008, laguna aasaasay magaalada Garowe ee caasimada DG Puntland. Ambassador Xaashi waxaa xusay ujeedooyika bud-dhiga u ah aasaaska golaha oo ka xusay in la mideeyo maskaxda iyo cududa shacabka Puntland ee qurbaha ku nool, taageerida maamulka, iyo iskaashi dhexmara daljoogta iyo qurbajoogta reer Puntland.

 

M/weyne ku xigeenka Puntland Diaspora Forum Eng. Maxamuud Jaamac Xaamud ayaa ka hadlay dadaalada uu goluhu ugu jira dhisma cutubyada ee dalalka kale ee caalamka, iyo amhiyadda ay taasi u leedahay golaha, bulshada, iyo Puntland.

 

Waxaa uu xusay in dhismaha golayaashu ay fursad iyo carqalad labada yihiin, dhismahoodana laga kulmi doono lur iyo dheef labadaba. Waxaa uu ugu baaqay shacabka Puntland ee Minnesota in ay kaalinta kaga aadan ka qaataan dhismaha iyo hawlaha cutubta Minnesota, ayna tan bulshada ka horumariyaan tan gaar ah.

 

Md. Xaamud oo ka hadlay qaab dhismeedka cutubka Minnesota ayaa sheegay in uu ka kooban yahay 3 Gole:

i) Gole Dhaqan,

ii) Gole Go'aan, iyo

iii) Gole Fulin.

 

Waxaa uu intaas ku daray in dhismaha cutubku uu weli socda, ayna bulshada oo dhan u furan tahay in ay kaalinta kaga aadan ka qaataan.

 

Wasiirada arrimaha gudaha Gen. C/llahi Axmed Jaamac 'Ilkajiir', iyo wasiirka qorshaynta Faarax A. Dhalac oo ka mid ahaa waftiga Puntland ee uu hogaaminayo M/weynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ee hadda ku sugan Washington D.C. ayaa iyana si kooban uga xog waramay safarka ay ku yimaadeen Maraykanka, mudada ay joogayaan, iyo ujeedada guud ee waftiga.

 

Wasiirada ayaa uga mahadceliyey qubrajoogta Puntland dadaalka iyo isku-duubnida, iyaga oo sheegay in ay ku soo beegan yihiin Minnesota 28-ka bishan, ayna joogi doonaan illaa 3-da July.

 

Siciid A. Gaashaan oo xubin ka ah cutubka Minnesota oo isna ka hadlay shirka ayaa sheegay in si ay bulsho horumar ku gaarto ay tahay in ay caynaanka u qabtaan dad karti leh, aqoon leh iyo daacadna ah, haddii taa la waayana diihaal iyo jab ay ummaddaasi dhaxli doonto. Waxaa uu xusay in bulshada oo daacadnimo loogu shaqeeyaa ay ka mudan tahay tan shakhsiga ah, shacabkuna aanu geyin in lagu lugooyo tan gaarka ah.

 

Waxaa uu sheegay in ay lama huraan tahay in bulshada inteeda kartida iyo aqoonta lehi ay hagaan, bulshaduna ay u qaybsanaato in hagta, in la talisa, iyo in taageerta.

 

Haashim Maxamed oo xubin ka ah cutubka Minnesota ayaa soo bandhigay qorshe hawleedka cutubku ay tahay in uu ku talaabsado, iyo hawlaha cutubka laga sugayo in uu wax ka qabto.

 

Ardayda oo gacan laga siiyo duruusta, lagu dhiirigaliyo tacliinta, loona helo lagu-hirtayaal ku haga tubta saxda ah si ay iyana tooda u kaafiyaan, daryeelka bulshadana kaalintooda ay uga qaataan, ayaa uu sheegay Md. Haashim in ay ka mid yihiin hawlaha cutubka Minnesota horyaal. Wacyigelinta bulshada ee ka hortaga xaalufinta khayraadka badda iyo beriga, ayaa sidoo kale uu xusay in ay ka mid yihiin waxyaabaha goluhu uu bulshada la kaashan doono.

 

La shaqaynta iyo talo siinta ururada iyo hay'adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliya ayaa ka mid ah hawlaha goluhu uu doorka ka qaadan doono.

 

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay inta badan odayaasha dhaqanka ee Puntland ee Minnesota oo laga magacaabi karo Caabi Faarax, Axmed C. Khayre, Maxamed Xasan ******ow, Maxamed C. Qaac, Sh. Qardhaawi, iyo xubno kale oo ka tirsan hay'adaha adeegyada bulshada oo laga xusi karo Confederation of Somali Community.

 

Hodan Caruus oo ah madaxa Puntland Women's Association oo iyana ka hadashay shirka ayaa sheegtay in ay taageersan tahay dadaalada golaha Puntland Diaspora Forum, ayna soo dhawaynayaan iskaashiga iyo horumarinta bulshada Puntland ee Minnesota.

 

Ka soo qaybgalayaasha shirka ayaa laga xusi karaa gabdhaha Puntland oo kaalin mudan ka qaatay dhismaha cutubka Minnesota, door mudanna ku leh martigelinta waftiga Puntland ee uu hogaaminayo M/weyne C/raxmaan M. Faroole.

 

Gabagabadii shirka ayaa la iclaamiyay in waftiga Puntland ay 28-ka bisha June booqasho ku iman doonaan Minnesota, ayna kulamo la qaadan doonaan qurbajoogta Puntland.

 

29-ka bishan ayaa casho sharaf loo samayn doonaa waftiga, halka 30-ka bishana shir weyne lagu qaban doono Convention Center-ka Minneapolis (Xuquuqda sawirada - C/weli Dalboon).

 

[Halkan ka daawo sawirada ---]

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this