Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabaygani sida magaciisa ka muuqda waxuu mudici ku yahay, la doodayaa, hogo tusaaleynayaa, qofkasta oo ay ka muuqdaan sifooyinkani, Eber iyo Madoorshe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabaygani sida magaciisa ka muuqda waxuu mudici ku yahay, la doodayaa, hogo tusaaleynayaa, qofkasta oo ay ka muuqdaan sifooyinkani, Eber iyo Madoorshe.

IMG-20240425-WA0001.jpg
Marka hore labadan erey waa isku macne oo hadii qof lagu tilmaansado waa dhaliil adag, waxaana loo jeedaa wax matare.
(Eber = 0, Eber = Madoorshe, Madoorshe = Wax matare).
Gabayga waxa lagu dhaliilayaa, tir-tirsiyayaa qofkasta oo ay ka muuqdaan sifooyinkan, waxayna u tilmaameysaa sifooyinka iyo dhaqamada togan ee ay tahay inuu ku bedelo kuwaas taban.
Waxay si adag u weerareysaa inta ruugida cagaarka (jaadka) ku habsaantey iyo dhaqan xumada, af-xumada, karti xumada iyo weliba caafimaad xumada ay bulshada la dhex joogaan.
Gebo-gebadana waxay sugaysaa/cadayneysaa ujeedada Alle koreeye adoomaha u abuurey iyo sida Eber iyo Madoorshe u moog yihiin.

EBER & MADOORSHE (M.Shukri)

ALAHAYAW ABUURKAAGA BADAN
INIBA WAA NOOCE
AMARDIIDO ANIGOON KA WADAN
EREYADAAN QEEXI
ANOON AWRANAAN FAANAHAYN
EDEBI WAA DEEQE
ANOO HUBA ASAAGAY IN BADAN
INAAN KASOO IISHEY
ANIGOON IRDHEYN IYO GALGALAD
UUNKA WADA GAADHIN
AFGOBAADSI ANIGOON KA TEGIN
EREYGA XEERKIISA
HAYEESHEE ABBAARTAAN U KACAY
WAAN ILDUUF TIRIYE
AAN KU SHIDO IFTIIN BADAN
HAB AAN AAD U GARAN WAAYAY.
OLOLAHA XAJIIMEYNTA IYO
UURADIYO QIIQA
AFLAGAADO WAA ABUR KA YIMI
UUR CILADI TAALE
ILBAXNIMO NINKII MOODAYOOW
WAA AYAAN DARANE;
INKASTOO ABAAL IYO TIXGELIN
AWRRAN LAGU SOORO
INKASTOO ARDAA AAD BILLAN
OGOBE LOO GAAFO
INKASTOO UDGOON IYO SHAXSHAXO
LA ASHQARAARSIIYO
INDHO XAASID KUMA DOOGSADAAN
UBAXA DAYREEDE.
AADMIGU WUXUU QOONSADAY
KU ISTAREEXAANE
ISHAARADASANBAY KU CABUDHAAN
AMAL LA DHAWRAAYE
UGBAAD WAY KU SHAASHOONAYAAN
EGAN BARWAAQOODE
UDUGIYO CARAFUHU WEY DHIBAAN
UDO WALWAALKAASE
AROOR KICIDDA, AWRAADSIGA
IYO OOGIDDA ASHCAARTA
ALLE MAHADINTUU NECEB YAHAY
EEBE TUUGSIGA,E
ASAAGII MARKUU LIBIN GUNTAA
ARAMI SAAQDAAYE
MARKAASUU ASLUUBTIYO XISHMADA
OROD KU JIIDHAAYE
AJO KAMA HAKADO DHUUNIRAAC
AANO IYO CEEBE
OORI DHAWRSAN
UGAAS QARAN BOQRADEY
CULIMO AWDIINKA
ADOOMAHA FADLIGA DHEERIGA AH
EEBE KARANSIIYEY
EEGMADA JALEECADA HADAAD
URUGO DAYMAATO
OGAAL DALAB LEH
IIMAAN CAWARAN
ARAGTI GAABNAANTA
UUGAAN HADAY KUGU RIDO
AAHE LIBINTOODU
OOD AMARKA MAWLAHU KU FARAY
AAYAR DHUGAN WEYDO
AKHLAAQDIYO HADII AAD DADNIMO
OOBJAC KAGA BOODO
ARAD IYO HADAAD QAAWANAAN
UUNKA KULA MEERTO
OO UBAXA SOO KORAYA IYO
UBADKU KAA SHEEXO
ALEYLKII HADAAD DADARTA JABAN
AAD USII MIRATO
OO AAD UNUUSH IYO ANAASH
AAFO LA CAWEYSO
INKAARUHU HADAY KU XERTAAN
AAMIN KAA DHIMAYE,
ILKO MIRIDH LEH
UUS DOOG MUG DHABAN
UDUBO FIIQFIIQAN
OOMAAR INDHAA KAGA LINGAXAN
SIDA UKULI WEYDA
ORGOB IYO HADAAD DHIDAR SIDII
AAD U BAHALAWDO
OO AAD IBLEYS DHAQAN LA TAHAY
WAA IBTILO DHAAFE
HA AJEYNIN SAADADA WAJAAF
MEEL XUN KULA AADYE.

AFARTAASI WAA ARAR KU MUDAN
AWRXUN IYO JIICE
INAAN AAD SOO FAGO XASHIISH
WAYGA EGGEGSOONE
ILAAQ HADALKU IIGAMA TAGEE
EREY KALAAN BAANAY.

ISHA DOQONI WAXAY FIIRISAA
AAD NINKII XIGA,E
MARKAAD KABO USOO IIBISAY
IILKA KUU QODIYE
ARSAAQ DALABKA WIIL FAYTAYOO
EEBE TALO SAARTAY
OO AADAY BUURAHA INTUU
AGABNA SII QAATAY
OODAN IYO HALYEY DAW SHILALLAN
EGGEN KA SEEREEYEY
OO DHAGAX AMUUMA AH KA DHIGAY
AAD WAX LALA YAABO
IYO ALIF WAX MALE WAYS XIGAAN
UURNA WADA QAADYE
INTIFAACA NOLOSHAA MID GABAY
MIDINA IIDAANYE
UGAAS KACAYBA LIID BAA FADHIYA
MEEL AGTIISA AHE
IMTIXAAN LA QAADABA NINBAA
OOGADA U KACA,E
NINNA OODA LAGA GUURAYBUU
KA AG CASAADAAYE
ARDAYGII GUDBABA SAAQIDBAA
UUBTA SII GALA,E
IRMAANEEYE WAA QOODH TIRSIGA
MAGACA AWR GAALE
HAYEESHEE ABEER LAGUMA DARO
UGUBKA QAALMOODE
RAGII GEELA AAWAYSAN JIREY
WAW ABTIRIYAANE
AWOWGII SHANAAD IYO LIXAAD
AABI LAGU SHEEGO
AYAA LOOGU OOSHAA RATIGA
AYRO IYO TIIRE
MARKA DIRIRKA CAWLEED ONKODUU
AGADA MAANSHEEYO
ABAAHADU MARKAY TAAGAN TAHAY
ARAGSAN XAWLKEEDU
AFAR LABA HABEENBUU SIMAA
AADKASTUU YAHAYE
ABRAAC DHEGAYARAW WAA LAFDHABAR
UDUBKA XOOLAAYE
AARANKUU DHALIYO CAANAHAA
LAGU ILWAADAAYE
SUMAL KUMA AMBADO NAYLAHAY
AYNI WADA YIINE
WAXA LAGA ISHAARAA INTEY
EDEGA JIIFAANE
ABABKABA HORTIIBUU BAXAA
AWRDHAL IYO MUUQE
ADOOMUHUNA LABADAA WAJAY
U ALKUMNAAYEENE
AMINKAYNU JOOGNANA SIDAAS
WAYS AG SOCOTAAYE
NIMBAA HAWSHA ADAG LAGU XILAA
LABA ILMAADEERE
NINNA ADHIGA RAACIISA IYO
OOSHA LAGU REEBYE
ARRIN QARAN MA SOOREE
RAGBAA LAGU OGAADAAYE
RAGNA AQALKA HOOSKIISA IYO
AGAHA SII JIIFYE
OOGADIISA RUUX AANU DHIDID
ABID KASOO FIIXIN
AMAKAAGA DOOB AAN KASBIGA
KU ISTIHAADAYNIN
IIDHIIBTA IYO TUUGSIGAA
AAD U KAAFIYA,E
ABEER UU NIN LIHI DAAQSADUU
KA AG GALUUBNAANE
IBDAR BUU KA SUGAYAAN NINKALE
OONTA UU CUNIYE
ARAGTIDA WAX MIISAANTABUU
IIN KU LEEYAHAYE
MA ODOROSO HAWL MUDAN
INUU AAD U FAAQIDO,E
AFMIISHAARNIMAY KAGA GUDHIYO
UUNKA KALA SOOCE
MARKAY ABASO QIIQDUU DURDURO
SOO ABRAAR KICIYE
EEL MARKII LA BAANTABA FINBUU
IGADH SALAAXAAYE
UUBATADA NINBAYRLUU GASHAA
AANO GACALKIIYE
ORKA HOREBA WAXA UU MALGAA
INA WALAALKIIYE
ARDAMBUU XASUUSTAA MA KORE
EEDA UU FALAYE
IJAABADU MAREY XIDHANTAYBUU
YAA ALLOW ODHANE

WAXBA GABAYGU YUU ILA AFBIXIN
AADNA YUU BADANE
OOHOWDABA NIMAAN MAQAL KASEYN
II CUG YAAN ODHANE
AAN URURSHO DULUCDIISA MUDAN
OBOCDA DHUUXIISA.

ADOONIMMADU WAA QIIMUHUU
AADMI LEEYAHAYE
WAA UJEEDKA NOLOSHIISA GEBI
LOO AGAASIMAYE
WAA ABUURKA NUXURKIISA BILLAN
LOO ABQAAL BIDAYE
WAA IDLAADKA MEESHAY MURTIDU
AADANAW TAHAYE
WAA XIL AAN NIN OOFSADEY LA ARAG
LAGANA EEGEYNE
NINKA OOD KU TUURAA MAJEER
LAGU EKEEYAAYE
HAYEESHEE NINKII AAD U GABA
UMALKU WEEYAANE
EBER IYO MADOORSHAY TIXDANE
AWRA LEEDAHAYE
UUBATADA BAXAYSAY RABTAA
INEY AJIIBAANE
ASAAGIIN HALKUU SAHANSADAY
EEGA LEEDAHAYE
AMBAQAAD KALAAY DHAWRAYSAA
INEY AFLAAXAANE
OGOBEY GARWAAQSIGA DAMBIGU
WAA INDHAA FURO’E
ISTIQFAARKA WAXA LAGA HELAA
AAWEY FARAWEYNE
AMBIILBAA KA FURANBUU DULIGA
EEBE LEE YAHAYE
HAYEESHEE AMUUMAHA KA DEDAN
EGEN BARWAAQOODE
OROD IYO DEDAALBAY HURROW
OOGSO LEEDAHAYE
AWAARAHA KA TOOSBAY HURDOW
KUGU AMRAYSAA.

By Mohamed Shugri Jama

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this