Sign in to follow this  
General Duke

I will hand my wepons over Mogadishu faction leader

Recommended Posts

Mas’uulkii ugu horeeyey oo sheegay in uu diyaar u yahay in hubkiisa uu ku wareejiyo ciidamo ajnebi ah haddii dalka la keeno

Muqdisho

 

 

IbrahimShawaay.jpg

Md. Ibraahim Cumar Sabriye"Shaaweey

 

Duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sebriye (Shaaweeye) ayaa sheegay in uu diyaar u yahay hubkiisa in uu ku wareejiyo ciidamo shisheeye haddii ay dalka yimaadaan, wuxuuna xusay in Soomaalida aysan dhexdooda iska aamineyn, oo aysan ku dhaqaaqeyn haddii loogu baaqo in ay hubka iska soo xareeyaan.

 

 

Duqa magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in dalka meel walba ay yaalaan hub baaxad leh hase ahaatee hubkaasi ay qaadi karaan quwado shisheeye oo aysan qaadi karin maleeshiyooyinka sidan baday dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee qabiilku dhiigooda ku shaqeeya sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Md. Shaaweey waxaa uu sheegay in ay haboon tahay dadka ka soo hor jeeda dalka inaan hub ka dhigis laga sameyn ay damacsan yihiin howlo gurracan oo iyaga u gaar ah waxaana uu sheegay in dadkaasi aysan u daneynin bulshada.

 

Asagoo shegay hogaamiyasha diidan ciidama shisheye ay yihiin kuwa raba wali in ay umadda u sii afduubnaata mana suurta galeyso hubkeyga anaa leh dowlada wa deyminya markan raban waa ka soo qadanayaa waa waxii dowladii Carta dib u dhigay

 

 

Waa wax aad looga xumaado loomana dulqaadan karo in dalka uu sidan ku sii jiro waayo waxaa baa ba'aya shacabkii Soomaaliyeed oo la og yahay in hubku baday inay maanta ku noolaadaan wadamo aysan waligood ku taamin inay tagaan" ayuu yiri Shaaweey oo ugu dambeyntii ragga ka soo hor jeeda go'aanka ciidamo dalka lagu keenayo ka hor jeeda.

 

 

Ku noqo beejka

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

cabdishakuur@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this