Sign in to follow this  
Abwaan

Gumaadka Saxafiyiinta, Gabrana Og Geedina Jecel By: Fiyoore

Recommended Posts

Abwaan   

gabre%20iyo%20geedd.jpg

 

C/laahi Yusuf ayaa in badan lagahayaa in qorshihiisa labaad kadib Xasuuqiisa Muqdisho ay udagsan tahay in uu Afka u dhigaa Saxaaafada Muqdisho oo iyadu ku barbaartay Xornimo waxaana la xusuusan karaa in Kulankii C/laahi Yey Magaalada London kula yeshay Horaantii Sanadkan Xigtadiisu kaga dalbadeen in uu wax ka qabtaa Saxaafada Afka dheer Taladaasoo uu Odagu aad ugu Jidbooday.

 

Mahad%20iyo%20Cali%20Iimaan.jpg

 

Saxaafada Muqdisho oo iyadu waqti xaadirkan Calowsan qaar badan oo kamidana ay u haanyoodaan Gubeysiga halka qaar kalana ay si cad u tabiyaan Wararka dhabta ah ee dhaca ayaad moodaa in Shacabka Muqdisho ee uu Xasuuqa ku socdo ay dugsadaan Saxaafada tabisa Cabashadooda iyadoo ay taa dhibeyso Gumeysiga Madow ee uu Gabre Hormuudka ka yahay Geedina Galbiyaha ka yahay.

 

 

Safaarada Gumeysiga Madow ee Muqdisho ku leedahay ayaa 7 bishan Agoosto waxey u hanjabtay Idaacada Shabeele iyadoo waliba hadal saangadasha ah ku tiri "Maad noqotaan sida Idaacada Hornafrik" tasoo daliil u ah in ay soo maaganayeen Masiibadan ay ku haligeen Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iiman Sharmarke Alle ha uraxmadee iyagoo markaa uga gol leh sida Marxuum Cali Iimaan Sharmarke cadeeyey in ay Amusiyaan Codka kuwa la dilayo, la Qixinayo, dhibka joogtadana lagu hayo, lakiin nasiib daro isagana kama aysan reebin in ay aamusiyaan madama uu u muuqday shaqsi aad ufahansan in Tigreega iyo Dabadhilifkooda Dilka Mahad ay ka danbeeyaan sida qofkastaa ka dha`dhansan karo hadalkiisii uu siiyey Sacado kahor inta uusan dhiman Idaacada BBC.

 

Sirdoonka Itoobiya oo ay aad u dhibtay Run sheega Mahad oo aan ku Xusuusto anigoo moog Dhowr Bilood Aragiisa Malma ka hor Dilkiisa in aan dhageystay isagoo Wareysanaya Hooyo Soomaaliyeed oo Magaceedu ahaa Mako oo leh Sagaal Caruura kuna rafaadsan Jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooyo, waxaana Su`aalihiisa ka dha`dhansanayey in uu dareen guud katusinayey Shacabka Somaliyeed ee aan Dalka joogin dhibka heysta Hooyadan Soomaaliyeed, dabcan arinkaa aad ayey udhibtay Xukuumada Daba dhilifka iyo Taliska Itoobiyaanka ee Dalka heysta.

 

Malmahan oo aad loo dareemay in Ciidamada Gumeysiga ay gabeen laafyadii laguna Riiqay Xarumaha ay ka dagan yihiin Caasimada Xamar ilaa Jigjiga aadna ay usoo xoogeysteen Xaq udirirka Ciidamadooda kuwaa oo iyagu Maa`mula Habeenkii Muqdisho halkey doonana ku Oohiya Cdowga iyo Raaciyadiisa ayaa Sirdoonka Gumeysiga arinkan uga gol leh in ay isaga hor kenaan Shacabka iyo Ciidamada dar Alle iyo Dal xoreynta udarban tasoo laga dheehankaro hadalka Geedi shalay bixiyey isagoo ilowsan in dhagartiisa la fahansan yahay isagoo yiri "waxaa ka danbeeya kuwii dadka Dili jiray hadana Shacabka waa fahmeen waana in ay la shaqeeyaan Ciidanka Aamaanka".

 

Mahad Axamed Cilmi wuxuu ahaa Shaqsi marka laga doodayo Arimaha Siyaasada ee ay Wariya`yasha Idaacada Honrafrik Subixii Barnaamij baxa soo wada fariistaan mid aad u difaaca Wanaagii ay sameeyeen Midowga Maxaakiimta Xiligii ay ka ariminayeen badi Guud ahaan Koonfurta Somaliya isagoo aad ugu dheeraan jiray is badalka lama ilaawanka ah ay abuureen, waxaa hubaala in Arimaha uu Eersaday ay tahay Walaalkeen Mahad.

 

Bilihii ugu horeeyey ee sanadkan 2007 oo aan ahaa mid ku Dhuumaaleysta Magaalada Muqdisho ayaa Dhacdadan Naxdinta leh i xasuusisay fariimihii aadka udarnaa ee iiga imaan jiray Nabadsugida Daba dhilifka ee uu Madaxda ka yahay Darwiish iyo kuwa Gumeysiga iyagoo igu raad joogay balse uusan alle ku guuleyn in ay iqabtaan ilaa Maantana aan ka daalin in ay soo diraan Handa`daadyo kulul si ay u Aamusiyaan Qalinkeyga iyadoo qaar badan oo Saxafiyiina ay Cagahooda kaga baxeen Xamar oo ah halkii ay in badan ka shaqeynayeen Shacabkana uga adeegayeen kadib halis lasoo gudboonaatay Naftooda.

 

Daah nagama saarno qaar badan oo Saxafiyiinta ka mida in ay Wadaniyiin yihiin Dalkooda iyo Diintoodana aysan Dhex dhexaad ka aheyn sida ay na bareen 16 sano ee lasoo dhafay Hey`adaha Galbeedka tasoo jahwareerisay Wariya`yaal badan Fikirkaana uu noqday mid qeyb ahaan Guuleystay iyadoo Saxafiyiintaa Ilowsan in Idaacada BBC ee uu Ingiriisku leeyahay xitaa aysan dhex dhexaad ka aheyn arimaha Dalkeeda iyo Diinta Boqorada heysto, waxaase Hubaala inta fahantay dhagartaa wali la faafinayo in Qalinkooda iyo Codkoodaba sii shaqeyn doono inta Naftu ku jirto Dalkuna Xornoqonayo.

 

Bahda Saxaafada waxeysan iloobeyn Fir fircoonidii uu lasoo shaacbaxay Wariye Marxuum Mahad Cilmi isagoo ahaa shaqsi aad isaga xilsaara kahadlka Arimaha quseeya Bulshada tasoo ay tabidoonaan in badan oo kamida Dhageystayaashii barnaamij subaxeedkiisii uu u Godgalay, anigoo ku bartay Sanadahan aqaanay Mahad Shaqsi Uruursan halka Cali Iimaan ahaa Muwaadin aan ku garanayey in uu markasta wadahadal wax ku xaliyo tasoo aan ku xusuusan karo intii aan Xamar ka shaqeynayey oo aan Macriifa ulahaa Fadhiya badan oo Saxafadeedna wada fariisanay Bahwadaagna ku aheyn Badweynta Saxaafada iyadoo Aaska Marxuum Cali Iiman Sharmarke uu iska soo xaadiriyey Gabre si uu u Jahwareeriyo Ra`yul Caalamka iyo Umada Soomaaliyeed waxaase Saxafiyinta la gudboon in ay Taxadaraan ogaadana in Gumaadka Saxaafada Gabrana og yahay Geedina Jecel yahay

 

 

 

 

fiyoore.jpg

 

 

 

 

 

WQ. Maxamed Barre Haaji Cumar "Fiyoore"

fiyoore@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this