Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbullah oo soo riday Drone Israa’iil leedahay, koonfurta Lubnaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil, taasi oo hawlgal dagaal ka waday koonfurta Lubnaan.

Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee lagu soo riday meel u dhaw deegaanka Al Aishiyeh ee koonfurta Lubnaan. “Waxa ay weerar ku qaadaysay dadkeenna,” ayaa lagu yidhi bayaan ay kooxdu soo saartay.

Ciidamada Israa’iil iyo kooxda hubeysan ee Xisbullah ee Lubnaan ayaa is-weydaarsaday gantaalo muddo ka badan lix bilood tan iyo intuu socotay dagaalka Gaza, dagaalkan oo ahaa kii ugu cuslaa tan iyo markii ay dagaallameen labada dhinac sannadkii 2006-dii.

Xisbullah waxa ay sheegtay in diyaarada ay soo rideen ahayd Drone Hermes 450, taas oo ay samaysay shirkadda Elbit Systems oo ah shirkad hubka samaysa oo fadhigeedu yahay Israel.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this