Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Shiekh Sharif adds to his resume of corruption

Recommended Posts

million.jpg

Dowlada Sheikh Shariif oo Lacag Cusub kusoo daabacanaysa $17 million oo dollar…

Daabaco | Print | Faafin: SomaliTalk.com: Thursday, April 29, 2010 // 13 Jawaabood

 

iyadoo Malaysia Lagaga Xanibay $14 million oo doolar oo aan la aqoon meesha ay ka timid … iyo Heshiis ay bilkasta ku bexeyso $50,000 doolar oo DFKMG la gashay shirkad si loogu soo daayo lacagahii Soomaaliya laga xanibay… iyo ayadoo DFKMG ay sheegtay lacag la’aan darteed u xireyso qaar kamid ah safaaradaha Soomaalida

 

Qoraalka oo Dhamaystiran oo ka kooban 21 bog, ka akhri Linkigan GUJI…. Halkan RIIX… http://somalitalk.com/lacag/

 

Hordhac:

 

Dukumiinti iyo xog sir ah oo Jariidadda Sharq al-Awsat ka heshay xafiiska Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) ayaa muujinaya isku dayga xukuumadda Sheikh Shariif Sheikh Axmed in ay hesho lacagtii iyo hantidii Soomaaliya ee ilaa markii ay burburtay xukuumaddii Siyaad Barre 1991 ku xannibnayd dalka dibaddiisa, sida bangiga Swiss Bank. Waxana Sheikh Shariif arrintaas u xilsaaray Cali Cabdi Camalow oo ay qarammada Midoobey hore ugu eedaysay in burburkii dawladdii hore kaddib uu bangiga Switzerland ka bixiyey lacag dhan $10 million oo uu lahaa Qarranka Soomaaliyeed isagoo garab siinayey Cali Mahdi Maxamed, markii dambeyna daabacaadda lacag cusub ka caawiyey Caydiid. Heshiiskan cusub oo DFKMG ay bilkasta ku bixineyso $50,000 iyo gunno, ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Dawladda Malaysiya ay DFKMG ka xannibantahay lacag gaareysa $14 million oo doolar, lacagtaas oo ay akoon ku shubeen saraakiil katirsan xukuumadda Sheikh Shariif. Arrintaas oo uu garab socdo heshiis kale oo Shariif Xasan uu la galay Suudaan si DFKMG loogu soo daabaco lacag Shillin Soomaali ah oo ay ku baxayso $17 million oo doolar. Arrimahaas waxay kaabiga ku hayaan xilli la sheegay in lacag la’aan awgeed loo xirayo Safaarado Soomaaliya leedahay, lanaga yaabo in lagu waayo ama lalunsado dhismayaasha Safaaradahaas oo ah dhul uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed. Intaasi waa Hordhaca ee Qoraalka oo dhamaystiran oo ka kooban 21 Bog, ka akhri HALKAN.. GUJI….

 

Waa Linkigan: http://somalitalk.com/lacag/

 

Qoraalku waa socdaa ee HALKAN KA AKHRI… GUJI….

 

Warbixinta oo dhamaystiran ka akhri halkan….

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this