General Duke Posted April 29, 2010 Dowlada Sheikh Shariif oo Lacag Cusub kusoo daabacanaysa $17 million oo dollar… Daabaco | Print | Faafin: SomaliTalk.com: Thursday, April 29, 2010 // 13 Jawaabood iyadoo Malaysia Lagaga Xanibay $14 million oo doolar oo aan la aqoon meesha ay ka timid … iyo Heshiis ay bilkasta ku bexeyso $50,000 doolar oo DFKMG la gashay shirkad si loogu soo daayo lacagahii Soomaaliya laga xanibay… iyo ayadoo DFKMG ay sheegtay lacag la’aan darteed u xireyso qaar kamid ah safaaradaha Soomaalida Qoraalka oo Dhamaystiran oo ka kooban 21 bog, ka akhri Linkigan GUJI…. Halkan RIIX… http://somalitalk.com/lacag/ Hordhac: Dukumiinti iyo xog sir ah oo Jariidadda Sharq al-Awsat ka heshay xafiiska Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) ayaa muujinaya isku dayga xukuumadda Sheikh Shariif Sheikh Axmed in ay hesho lacagtii iyo hantidii Soomaaliya ee ilaa markii ay burburtay xukuumaddii Siyaad Barre 1991 ku xannibnayd dalka dibaddiisa, sida bangiga Swiss Bank. Waxana Sheikh Shariif arrintaas u xilsaaray Cali Cabdi Camalow oo ay qarammada Midoobey hore ugu eedaysay in burburkii dawladdii hore kaddib uu bangiga Switzerland ka bixiyey lacag dhan $10 million oo uu lahaa Qarranka Soomaaliyeed isagoo garab siinayey Cali Mahdi Maxamed, markii dambeyna daabacaadda lacag cusub ka caawiyey Caydiid. Heshiiskan cusub oo DFKMG ay bilkasta ku bixineyso $50,000 iyo gunno, ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Dawladda Malaysiya ay DFKMG ka xannibantahay lacag gaareysa $14 million oo doolar, lacagtaas oo ay akoon ku shubeen saraakiil katirsan xukuumadda Sheikh Shariif. Arrintaas oo uu garab socdo heshiis kale oo Shariif Xasan uu la galay Suudaan si DFKMG loogu soo daabaco lacag Shillin Soomaali ah oo ay ku baxayso $17 million oo doolar. Arrimahaas waxay kaabiga ku hayaan xilli la sheegay in lacag la’aan awgeed loo xirayo Safaarado Soomaaliya leedahay, lanaga yaabo in lagu waayo ama lalunsado dhismayaasha Safaaradahaas oo ah dhul uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed. Intaasi waa Hordhaca ee Qoraalka oo dhamaystiran oo ka kooban 21 Bog, ka akhri HALKAN.. GUJI…. Waa Linkigan: http://somalitalk.com/lacag/ Qoraalku waa socdaa ee HALKAN KA AKHRI… GUJI…. Warbixinta oo dhamaystiran ka akhri halkan…. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted April 30, 2010 State building sxb, not corruption. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 30, 2010 Originally posted by Haatu: State building sxb, not corruption. I beg your pardon? So what was Hitler doing, community development? :rolleyes: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted April 30, 2010 community empowerment. Quote Share this post Link to post Share on other sites