General Duke Posted January 7, 2006 Madaxwaynaha DFKGS iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo yimid Magaalada Adis-Ababa , ugana sii gudbi doona dalka Suudaan. {Adis'ababa}07.01.06 Madaxwaynaha dawladda Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa saaka kasoo duulay magaalada Cadan ayagoo u soo duulay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya...... Wafdigan ayaa markii ay soo gaareen Itoobiya waxaa garoonka diyaaradaha ee Adis-Ababa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda dalka Itoobiya . Waxay kulamo la yeelan doonaan ilaa galinka danbe ee maanta raysulwasaaraha dalka Itoobiya Males Zanawi iyo xubno sar sare oo katirsan dawladda Itoobiya. Kulamadaasi kadib waxay wafdigu kulamo gaagaaban la qaadan doonaan Jaalliyadda Soomaalida ee kunoo dalka Itoobiya kuwaasoo ka mid ah jaalliyadaha ugu badan ee kunool dalalka dariska ah . Waa socdaalkii ugu horeeyay ee ay wada galaan madaxwaynaha dawladda Soomaaliya Md: C/llaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka sidii loo dhisay dawladda Soomaaliya. Wafdiga ayaa la filayaa inay u sii gudbaan magaalada Khartoum ee dalka Sudan halkaasi oo uu ka dhacayo shir ay leeyihiin madaxda dalalka Afrika. Farxaan Yasin Mire (ISQOOTAX) isqootax@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted January 7, 2006 ....Waxay kulamo la yeelan doonaan ilaa galinka danbe ee maanta raysulwasaaraha dalka Itoobiya Males Zanawi iyo xubno sar sare oo katirsan dawladda Itoobiya. Ma lagayaabaa in Shariifku lagu soo dhufan rabo cirbadahii talaalka ahaa ee hadda ka hor C/yusuf Meles ku soo dhuftay? Balse haddise lagu dhufto side effect-iga cirbahda & Shariifka isla noqon doonaan? the outcome? Aanu aragno bal am Quote Share this post Link to post Share on other sites