Sign in to follow this  
Deeq A.

Antony Blinken oo Todobaadkan booqanaya dalka Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   
2df16a2c-1542-43bb-a3fd-e15701c8ffe7_w40

Xoghaya Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu u safro dalka dalka Shiinaha sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka.

Labadan waddan ee uu xafiiltanka ka dhaxeeyo ayaa isku hayo dhinacyo badan, oo ay ku jiraan dagaalka Ruushka ee Ukraine, Taiwan iyo Badda Koofurta Shiinaha, Kuuriyada Waqooyi, Hong Kong, xuquuqda aadanaha iyo xariga muwaadiniinta Mareykanka.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa sidoo kale ku dagaallamaya arrimaha ganacsiga, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu asbuuci lasoo dhaafay ku dhawaaqay canshuur cusub oo la saaray biraha uu Shiinaha u soo dhoofiyo Mareykanka.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay, in booqashadan oo ah tii labaad oo uu Blinken ku tago Shiinaha muddo ka yar sannad, uu Arbacada ka billaabi doono magaalada Shanghai, kaddibna uga sii gudbi doono Beijing.

PUNTLAND POST

The post Antony Blinken oo Todobaadkan booqanaya dalka Shiinaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this