Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo mar kale codka VETO ku horjoogsaday Aqoonsiga Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay cod u qaaday qaraar ay soo diyaarisay Dowlada Aljeeriya oo lagu doonayey in si rasmi ah loo aqoonsdo dalka Falastiin.

Qaraarkan ayaa waxaa taageeray 12 wadan ee dalalka Xubnaha ka ah Golaha Amaanka oo ah aqlabiyada, marka laga reebo Mareykanka oo codkiisa (Veto) ku diiday aqoonsiga Wadanka Falastiin, halka ay ka aamuseen UK iyo Switzerland.

Sannadkii 2011-kii, ayey Falastiin sidan oo kale codsatay inay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay. Waxaana horjoogsaday Mareykanka.

Ergeyga Falastiiniyiinta ee Qaramada Midoobay, Riyad Mansour ayaa ku dhawaaqay 2-dii April inuu warqad u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo uu ku codsanayo in codsigooda xubinimadooda dib loo eego.

3-dii Abriil, Guterres wuxuu warqad u qoray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isagoo ku baaqaya in la tixgeliyo codsiga Falastiin.

Hannaanka lagu qaabilo xubnaha cusub ee Qaramada Midoobay ayaa ka billowda golaha ammaanka. Falanqaynta ka dib, goluhu wuxuu kadib arrinta u gudbiyaan Guddida Qabanqaabada Xubnaha Cusub.

Haddii ay guddigu aqbalaan, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waa in uu u codeeyaa, hadii xubnaha joogtada ahi aysan isticmaalin awoodooda diidmada qayaxan, ugu yaraan 9 kamid ah 15-ka xubnoodna ay u codeeyaan wuxuu noqonayaa ansax.

Haddii goluhu ansixiyo, waxaa arrinta loo gudbinayaa golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Oggolaanshaha xubinimada 193-da xubnood ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay u baahan tahay saddex-meelood laba meel cod aqlabiyad ah.

Falastiin ayaa heysta taageerada Aqlabiyada Golaha Loo Dhan yahay balse caqabad mar walba hortaagan ayaa ahaa Golaha Amaanka oo uu mar walba dalka Mareykanka codkiisa VETO ku horjoogsado aqoonsiga Falastiin, iyagoo ku xidha in arrintan ay ku timaado wadahadal marka hore dhexmara Falastiin iyo Israa’iil.

Laga soo bilaabo 1974-kii, Falastiin waxa ay UN-ta kaga qayb qaadanaysay goobjooge ahaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this