Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobka Xilliga Gu’ga oo Siweyn Uga Curtay Qeybo Badan oo Dalka ah iyo Cabsi Laga Muujiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo muddooyinkaan dambe heerkul aad u sarreeyo iyo huur laga dareemay guud ahaan gobollada Soomaaliya, ayaa saacadii la soo dhaafay waxaa meelo badan oo dalka kamid ah ka curtay roobka xilliga Gu’ga oo aad loogu diirsaday.

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa kamid ah meelaha ay roobabka mahiigaanka ihi ka hooreen, islamarkaana ay daadadku qulqulayaan jidadkeeda laamiga ah iyo kuwa jayga ahba.

Sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gobollo kale oo dal kamida roobab xoogani ka di’i doonaan, kuwaasoo ay haatan ka jiraan xaalado bini’aadantinimo oo abaaro iyo biyo la’aan ka dhashay.

Dhanka kale waxaa laga digayaa waxyeello ay roobabku gaysan karaan, waxaana dadka deggan hareeraha webiyada iyo biyo mareenada kale loogu baaqay inay ka foojignaadaan daadadka iyo fatahaadaha.

Dalalka ku yaallo Bariga Afrika ayaa maalmahaan dambe waxaa ka da’ayay roob xadigiisu uu aadu sareeyo, kaas oo cabsi laga qabo inuu sababo in daadad ay kusoo rogmadaan, sida ka dhacday dalka Tanzania maalmo ka hor.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this