Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Deni oo qorshe cusub u tagaya Kenya kadib dagaalkii uu la galay Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-2.jpeg?fit=1386%2C1280&ssl=1

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar gaar ah ugu maqnaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa hadda ku wajahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa mudada uu ku sugan yahay Nairobi la kulmi doona qaar kamid ah safiirada dalalka taageera arrimaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya barnaamijyada gargaarka iyo hormarinta.

Safarka Madaxweynaha Puntland oo qorsheysnaa maalintii Talaadada ayaa baaqdey kadib markii roobab xooggan ay ka da’een Dubai, taas oo saameysay duulimaadyada diyaaradaha.

Xog ku dhaw safarka Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegaysa in uu kulan gaar ah la qaadan doona madax ka socota dowladda Maraykanka oo ku sugan Kenya.

Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan xaaladda isbeddelka leh ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha burcadbadeeda, argagixsada iyo xiisadda ka taagan badda cas, waxaana hadda ay u muuqataa mid wax ka beddalaysa siyaasadeedi Geeska Afrika ee 12 sano ee la soo dhaafey.

Kulanka Deni iyo Maraykanka ayaa looga hadli doonaa iskaashiga Puntland iyo Maraykanka ee arrimaha amniga iyo geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.

Qaar kamid ah golaha wasiirada Puntland oo uu ka mid yahay wasiirka Qorsheyna iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo qaar ka mid ah la-taliyaasha Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda ku sugan magaalada Nairoobi kuwaas oo diyaarinaya kulamada Madaxweynaha.

Puntland ayaa beesha caalamka ka dooneysa in loola dhaqmo hab gaar ah maadaama xiriirka u jartay Dowladda Federaaka, kadib markii ay ku eedeysey in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dastuurkii ku xadgudbay.

Maamulka ayaa shalay diiday ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo inuu magaalada Muqdisho ka dhaco inta u dhexeyso 20 illaa 21-ka bishan April ee sanadka 2024-ka.

The post Xog: Deni oo qorshe cusub u tagaya Kenya kadib dagaalkii uu la galay Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this