Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo malaayiin dollar u ansixiyay Somalia iyo waxa lagu qabanayo

Recommended Posts

Deeq A.   
2024418638490028501180870.jpg?fit=660%2C

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub oo si weyn u taageero dowladda federaalka iyo howlgalka ATMIS ayaa mar kale qaaday tallaab ku aadan horumarinta amniga Soomaaliya, wuxuuna ansixiyay malaayiin doollar oo ku baxaysa amniga dalka.

Midowga Yurub ayaa haatan Soomaaliya u ansixiyay $74.4 milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay qorshaha kala guurka ee ay ciidamada ATMIS uga baxayaan gudaha Soomaaliya.

Lacagtan ayaa si gaar ah loogu qarash gareyn doonaa wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ciidamada ATMIS oo la filayo inay Soomaaliya ka baxayaan dhammaadka sanadkan 2024.

Waxaa kale oo jirtay lacag kale oo gaareysa $42.5 milyan oo uu Midowga Yurub ku taageeri doono ciidamada Xoogga dalka, si ay awood ugu yeeshaan la wareegidda amniga dalka.

Taageeradan dhaqaale ee ay dalalka Yurub ku bixinayaan Soomaaliya ayaa wax badan ka tari doonto amniga dalka, maadaama la dhisayo ciidan Soomaali ah oo beddalaya ATMIS.

Waxaa haatan dowladda federaalka ay waddaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ee la wareegidda amniga, maadaama uu si tartiib ah ku bilowday qorshaha bixista ATMIS oo horay ciidamada Xoogga dalka ugu wareejisay xarumo iyo saldhigyo muhiim ah.

Dhinaca kale waxaa dhowaan la qorsheynayaa in 4,000 oo askari oo dheeraad ah oo ka tirsan howlgalka ATMIS laga saaro Soomaaliya dhamaadka bisha soo socota June.

Si kastaba, Midowga Yurub ayaa taageera dhaqaale oo weyn ku bixiya howgalka ATMIS, isaga oo horay u siiyay ku dhawaad 2.87 bilyan oo dollar tan iyo 2007.

The post Midowga Yurub oo malaayiin dollar u ansixiyay Somalia iyo waxa lagu qabanayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this