Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah xildhibaannada ku metala BF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
golaha-shacabka.jpeg?fit=2048%2C1536&ssl

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah xildhibaannada baarlamaanka, gaar ahaan kuwa laga soo doortay maamulkaas.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay kalsoonidii kala noqdeen xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda Puntland, isagoo sheegay in hadda kadib aysan metali karin maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in xildhibaannada laga soo doortay deegaannada Puntland ay mucaarad ku noqdeen maamulkii ay kasoo jeedeen, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu si cad u sheegay in wax xasaanad ah aysan lahayn xildhibaannnadaas, maadaama buu yiri dafireen Puntland.

“Qofka meesha lagasoo doortay mucaarad ku noqday, xagguu joogayaa? Waa inay ogaadaan in aanay xasaanad lahayn, haddii ay dafireen degaankii lagasoo doortay. Iyaga iyo dadka suuqa jooga waa isku mid.” ayuu yiri WasiirMaxamuud Caydiid Dirir.

Hadalkan ayaa jawaab ah hadal horay uga soo yeeray qaar kamid ah xildhibaannada laga soo doortay Puntland oo iyagu sheegay inay maamulka Garoowe ku metalaan dowladda dhexe, ayna kala xaajoonayaan danaha iyo horumarka maamulkaasi.

Go’aankan cusub ee kasoo baxay Puntland ayaa muujinaya heerka uu le’eg yahay khilaafka siyaasadeed ee haatan kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Horay Puntland ayaa ugu dhawaaqday inay gebi ahaan kalsoondii kala noqotay dowladda dhexe, sababo la xiriira wax ka beddealka dastuurka KMG ah ee lagu dhaqaaqay.

Daawo: Maxay yihiin qodobada halista ah ee ku jira heshiiska Soomaaliya iyo Imaaraadka?

The post Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah xildhibaannada ku metala BF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this