Sign in to follow this  
Deeq A.

ATMIS iyo Al-Shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay JANAALE

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabab-Shabaab.jpeg?fit=960%2C585&ssl=1

Janaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada howlgalka ATMIS uu ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan deegaanka Janaale.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin halkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Labada dhinac ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkan iyo dagaalka xigay, wuxuuna mid kasta ka sheegtay guullo waa wayn.

Taliska ATMIS oo si kooban uga hadlay dagaalka Janaale ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, ayna jabiyeen xubnaha Al-Shabaab ee kusoo duulay.

Sidoo kale ATMIS ayaa intaasi kusii dartay inay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiisay kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkan ay ku gubtay gaadiid, sidoo kalena ay khasaare ku gaarsiiysay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gobollada dalka.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ATMIS, gaar ahaan ciidanka Uganda wuxuu ahaa mid Buulo-mareer oo ugu yaraan 56 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

The post ATMIS iyo Al-Shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay JANAALE appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this