Deeq A. Posted April 16, 2024 Guddoomiye Xirsi oo la Kulmay Urur Dhallinyaro Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan ayaa kulan la qaatay hogaanka ururka Dhallinyarada MIDEEYE oo ka mid ah ururrada ugu balaadhan deegaannada Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa. Kulankan oo nuxurkiisu ahaa sidii ay u wadashaqayn lahaayeen labada dhinac ayaa ku soo dhamaaday is afgarad, iyadoo hogaanka ururka dhallinyarada MIDEEYE ay sheegeen inay ku qanceen mabaadi’ida xisbiga WADDANI. Kulankan waxaa soo qabanqaabiyey guddoomiyaha garabka dhallinyarada gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga WADDANI waxaana loo ballamay kulamo dheeraad ah si loo xaqiijiyo wadashaqayn midho dhal ah. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites