Sign in to follow this  
Deeq A.

Daadad Ku Rogmaday Tanzania oo Sababay Khasaare Kale Duwan iyo Cabsida Laga Muujinayo El-Nino

Recommended Posts

Deeq A.   

Daadad xooggan oo ku rogmaday qeybo kamid dalka Tanzania oo ka dhashay Roobab Mahigaan ah oo maalmahaan ka da’ayay ayaa sabay khasaare xoogan, ku dhawaad 60 qof ayaa ku dhintay tan iyo bilowga bishan Abriil roobab  ku dhuftay qeybo badan oo ka mid ah Tanzania a sida ay dowladda laga soo xigtay.

Daadadka ayaa waxyeelo weyn gaarsiiyey kumannaan beero ah oo ku yaala dalkaasi, Mobhare Matinyi, oo ah afhayeenka dowladda, ayaa yiri “Saameyn halis ah ayaa ka dhacday gobolka xeebta halkaas oo 11 qof ay ku dhinteen,” ayuu intaas ku daray Matinyi oo ka hadlayay saameynta ka dhalatay Rooka Da’ayay.

Jimcihii la soo dhaafay, siddeed carruur ah ayaa dhintay ka dib markii bus iskool oo saarnaayeen uu ku dhacay tog uu daadad rogmanayo oo ku yaalla waqooyiga dalka, Abriil waxay calaamad u tahay xilliga roobaadka ee Tansaaniya. Sanadkan waxaa da’ay roobabkii ugu badnaa marka loo eego sanadadii hore.

Dhacdada cimilada El Niño ayaa ka sii dartay roobab xilliyeedka sanadkan, sida khubarada cimiladu ay ka digayaan in xaaladdu ay noqon karto mid sii adkaata, dalal badan oo ku yaallo bariga Afrika ayaa hadda wajhaya cabsida la xiriirta roobabka Gu’ga iyo daadad ka dhalan kara oo khasaare baahsan sababi kara.

Dalalka Tanzania, Kenya, Soomaaliya, Uganda ayaa hadda goobaha ugu badan ee cabsida badan laga qabo in xaalado khatar ah ay ka dhici karaan, maadaama xilli Roobaadkii Deyrta uu si badan saameyn ugu yeeshay dalalkaan, xilli Soomaaliya dhimashadu ay gaartay 101 ruux sida dowladdu shaacisay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this