Deeq A. Posted April 14, 2024 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚 (Qaran news)-Waxa shalay ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah shir daarranaa u diyaargarawga munaasibadda Qaran ee 18-ka May. Guddida Qabanqaabadda Munaasibadda Qaran ee 18-ka May ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL oo ka kooban Agaasime-waaxeedyadda iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa soo bandhigay qorshe-hawleedkoodii munaasibada qaran ee 18-ka May iyo halka ilaa hadda hawluhu u marayaan. Shirka waxa shir gudoominaysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, marwo Rooda Jaamac Cilmi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Axmed Abokor Maxamed, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa dhammaan guddigii qaban-qaabadda ee munaasibadda qaran ee 18-ka May. Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay qorshaynaysaa in sannadkan Xusaska Maalinta Qarannimada ee 18-May loo xuso si wayn maadaama uu sanad kani yahay sanadkii Ictiraafka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites