Sign in to follow this  
General Duke

Isbaaro la qaado Qaran maaha--

Recommended Posts

• MA KASE AAN KARIN: Isbaaro la qaado Qaran maaha..! - C/Qadir Gutaale

 

Warka siyaasad ahaan ugu nuxurka roon ee beryahan magaalada Muqdisho looga dhegtaagayey wuxuu ahaa bal inay dhabowdo riyada in wiilashii isbaarada ka dhigtey hal u irmaan iyo siyaasiyiinta, (kuwooda hubeysan), ee dalka ku xukuma sharci-darrada iyo isbaarooyinka ay bal guddoonsadaan in waqtigeedii dhamaadey..oo markan loo baahan yahay baadi goobka si kale oo loo macaasho. Waxay u muuqataa in helista jawaabtaas weli aan la hubin, hadiiba aan lagu hungoobin…waxaa taas dheer in xaaladda amaan ee magaaladu gaartey heerkii ugu xumaa in la nabadeeyo ha joogtee

 

Iyadoo dilka, afduubka, dhaca, macluusha, shaqo la,aanta, cudurrada iyo dulliga ay ummadu ku jiraan ay meel xun mareyso, rajo kasta ee qaranimo ee soo muuqatana ay la kulmayso dibindaabyo joogto ah oo ay wadaan kooxo nidaam diid ah, kuwa dalka madax furasho u haysta iyo mas’uuliyiintii la soo doortey ee xilka qaadey oo hammi jab iyo gaabis siyaasadeed la yimid ayaa haddana waxa reer Muqdisaho lagu maaweelinayaa waxa loogu yeerey ‘hawlaha nabadeynta muqdisho’ waxana la maqlaa qaadista Isbaarooyinka, kuwo hore oo soo laabtey, meelo cusub oo isbaaro la dhigtey IWM, waxana had iyo jeer socda shirar isdaba joog ah oo arrimahaas looga hadlayo tiiyoo ibaaradu tahay caqabadda kaliya ee hor taagan dawladnimada. Waa run argagaxa ay dadka ku hayaan wiilasha baadda sharciyeystey laakiin isbaaradda waxa ka horreeya nidaam shaqeynaya oo la helo nidaamkaasna waxa hor taagan isla kuwa ku andacoonaya inay isbaarada qaadayaan.

 

Maxaa Loogu guulaysan waayey?

 

Ugu horreyn waxaa habboon in la is weydiiyo maxay magaalada Muqdisho muddo intaa la eg ay u ahayd hoyga sharci darrada iyo ammaan-darrida, isla markaana isku day kastee la sameeyo loogu guulaysan waayey? Jawaabta - Qodobo badan oo is biirsadey ayaa ugu wacnaa, oo ay ugu horreyso qabqablayaasha oo ka dhigtey ammaan darrida shuruud ay ku gorgortamaan, tiiyoo uu furihii xalka iyo nabadaba iyaga gacanta loo gelyey. Arrintase qodobada oo dhan saldhiga u ah waa in magaaladu tahay meel muhiimad siyaasadeed leh, oo dheri ku karsamayo, ayna wada eeganayaan kooxo badan oo ku kala duwan fikirka iyo danaha ay kala leeyihiin intaba. Shaqsiyaadka maalmahan uu car-cararku ka dhamaadey iyagoo aan wax natiijo ah soo saarin waa uun tiro yar oo ka mid ah kooxahaa badan een sheegey, iyagase waxa soo saarey waa damacooda inay is muujiyaan iyo iyaga oo horeba loogu yiqiin inay isbahaysi hoosta ka maran muujiyaan si ay isaga garabsadaan koox cabsi dibedda ah la timid, sidii ay horeba yeeli jireen. Khilaafkii siyaasadeed ee dirirta dhiigga badani ku daatey weli lagama gudbin ee wuu taagan yahay haddiiba aanu ka sii darin…kooxihii mar kasta shucladda dagaalka sidi jireyna weli waa joogaan qaarkoodna dhacdiid ayey u jiifaan oo weli hubka ayaa ciidda ka yaalla iyagoo sugaya fursad ay ku soo toosaan.

 

 

Dad badan ayaa fursad u arkayey in dawladda cusub ee la soo dhisey ay noqon karto qaabka kaliya ee lagu furdaamin karo is marin waagaas, arrintase maanta xamar ka taagan waa mid caqligu uu ku wareerayo inuu sababeeyo ama micno u helo. Marka hore shaqo dawladeed ayaa ka socota..hadana kama

socoto, Siyaasiyiintii hubaysnaa ee magaalada ‘awoodda’ ku lahaa ayaa u istaagey nabadeynteeda …haddana arrinku sidaa ma aha, shaqsiyaad mucaarad ku ah dawladda ayaa hawshii xagal daacin ku haya..hadana saa uma muuqato, koox siyaasiyiin ah oo ay la qaldan tahay siyaasadda dawladda ay ka tirsan yihiin ayaa si ay uga hor tagaan ‘khatar’ lixaad leh ee ku soo socota magaalada u gaashaan qaatey difaaceeda iyo nabadeynteeda….hadana saa uma wada eka oo wax baa si ah. Dhamaan sawirradaas iyo kuwa kale oo badan ayaa ay dadku maskaxda ku hayaan iyadoo hadba sida aad u fasirataa ay ku xiran tahay magaalada dhinaca aad ka joogto iyo qofka aad tahay. Waxase jirta qodobo aasaas ah oo fahamkooduna aanu sida Sayniska ama xisaabaadka u adkayn oo ah:

 

Hawsha baaxadda leh ee nabadaynta magaaladda laguma hirgelin karo, dadka oo la qiiro geliyo, af iyo gacan maran, Iskaa wax u qabso, qorshe iyo la’aan nidaam cad oo siyaasadeed. Haddii taas la sii sharxo: magaalada waxaa lagu nabadeyn karaa nidaam heer degaan ah oo ay hor kacayaan dadka meesha wada degan oo ay u horreeyaan dadka sharci ahaan loo aqoonsan yahay inay yihiin hoggaamiyayaasha bulshada iyo inta bulshada saamaynta ku leh, ama mid heer qaran oo dawladi ay garwadeen ka tahay kaasi oo leh dhammaan kaabayaashii adeegga sida ciidan waxtar leh, xabsiyo, dhaqaale, iyo mas’uuliyiin xilal kala duwan iyo kala amar qaadasho leh.

 

Shaqsiyaadka sheeganaya inay magaalada nabadeynayaan is burin badan ayaa ka soo yeereysa, sida, inay magaca dawladda hawsha ku qabanayaan hadana aysan wax wada shaqeyn ah la lahayn dawladda, inay iyagu (inta heshiiska ah) ka wada shaqeynayaan nabadeynta magaalada balse aaney aqoonsanayn ama aanay gacan siineyn shaqsiyaadka hawshaa u xilsaaran sida Duqa magaalada ama taliyayaasha ciidamada, in dadkii magaalada ehelka u ahaa sida duqeyda beelaha degta, siyaasiyiinta magaca leh, waxgaradka, Culimada, aqoonyahannada ururrada bulshada rayidka ah IWM aan laga qeyb gelineyn hawsha iyadoo dhinaca kalena dadka hawshaa dhexboodaya ay ku jiraan kuwo aan tegi karin gobollada ay magac ahaan ka soo jeedaan iyo kuwo dayacay mas’uuliyadii iyo xilalkii ay qaran ahaan hayeen.

 

 

CABSI GELINTA SHACABKA

 

Dadka Muqdisho waa is yaqaannaan nidaam wax caburiya iyo askari dilaa gar maqaate ah, waxase ay hadda ku jiraan dullinimo heerkii ugu hooseysey ah oo naftii bani’aadamku aaney wax qiimo ah ku lahayn iyo ugaarsi lagu hayo bulshada intii waxgaradka ahayd, marka shaqsiyaadka aan dulligaa ka qiiroonayn aana lagu aqoon sama ka talinta iyo wanaag ay abidkood dalka iyo dadkaba u soo hooyeen haka daayaan hadallada beer-laxawsiga iyo cabsi gelinta isugu jira ee ay afuufayaan ee C/hi Yusuf baa idin qabsanaya iyo Amxaaraa soo duulaysa hana isaga dhex-baxaan shacabka iyo dawladda Md. Geeddi shar iyo kheyr wixii ay la timaaddo. Guddoomiyaha Baarlamaanka ee sida ra’iisul wasaare u dhaqmaya, wasiiradda Isbaaradu u taallo, shaqsiyaadka xilalka waayey ee mucaaradka ah intuba wax dan ah uma hayaan dadka Muqdisho ee haka fariistaan dillaalnimada ay ku jiraan.

 

W/Q.

 

C/qaadir Cabdi Gutaale

E-mail: guutaale99@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this