Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu dilay 11 qof oo rakaab ah oo ka dhacay dalka Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 11 qof oo rakaab ah laba weerar oo kala duwan oo ka dhacay koofur galbeed Pakistan.

Dhacdooyinka ayaa ka dhacay deegaanka Nushki oo ka tirsan degmada fog ee koonfur-galbeed ee gobolka Balochistan, kadib markii rag hubeysan oo aan heybtooda la garan ay xidheen waddo weyn oo isku xidha Pakistan iyo Iran, ayna dileen rakaabkii, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiye ku xigeenka Nushki, Xabibullah Mosakhel.

Dhacdadii ugu horreysay ee dableyda hubeysan ay ku qabteen gaadhi ayaa waxa ay afduubteen sagaal qof oo rakaab ah oo u badnaa xoogsato, kadib markii ay hubiyeen heybtooda, waxa ayna u carareen buuraha ku dhow. Dhammaan sagaalka qof ee la afduubtay ayaa markii dambe la toogtay, waxaana meydadkooda lagu daadiyay meel u dhow oo biriij ah, sida uu sheegay sarkaalku.

Dadka la dilay ayaa kasoo jeeda gobalka waqooyi-galbeed ee Punjab, oo ah gobolka ugu weyn dalka.

Ma jirto koox illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarradan, inkastoo qowmiyadda Baloch ee gooni-goosadka ah ay muddo dheer bartilmaameedsanayeen shaqaalaha ka yimid qaybaha kale ee dalka, gaar ahaan Punjab.

Gooni u goosadka Baloch ayaa tobanaan sanno u dagaalamayay gobolka Balochistan ee qaniga ku ah kheyraadka inuu ka go’o Pakistan.

Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyay dilka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this