Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Israa’iil iyo Iran oo saamayn ballaadhan ku yeeshay duulimaadyadii diyaaradaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalal badan oo ku yaalla bariga dhexe ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay hawadooda, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday Israa’iil, waxaana la hakiyey duulimaadyo badan, halka kuwii hawada kusoo jirayna loo leexiyey meelo kale.

Israa’iil ayaa xilli dambe oo Sabtida ah sheegtay inay xidhay hawadeeda, iyada oo la hakiyey duulimaadyadii iman jiray garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv. Jordan iyo Ciraaq ayaa iyaguna xidhay hawadooda, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.

Diyaaradda United Airlines ee laga leeyahay Maraykanka ayaa hakisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Tel Aviv Sabtidii, ka dib markii ay Israa’iil xidhatay hawadeeda. Sidoo kale diyaaraddan ayaa hakisay duulimaad kale oo ay ku tegi jirtay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan.

Diyaaradda laga leeyahay dalka Israa’iil ee El Al ayaa hakisay in ka badan 20 duulimaad oo bixi jiray Axadda, waxayna u sheegtay rakaabkii diyaaraddaasi, inaanay imanin garoonka diyaaradaha maadaama aanu duulimaad jirin, illaa amar dambe.

Diyaaradda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Emirates ayaa iyaduna hakisay duulimaad ay ku tegi jirtay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan. Sidoo kale diyaaradaha Air France, British Airways iyo Luftansa ayaa iyana ka mida diyaaradaha gobolka u safri jiray ee hakiyey duulimaadyadooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this