Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda IRAN oo ka hadashay weerarro duqaymo ah oo ay ka geystay gudaha dhulka Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Iran ayaa hadashay gantaalo aargoosi ah  iyo duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah Israa’iil, si ay uga jawaabaan weerarkii Israa’iil ee kowdii April  ee ka dhanka ahaa xarumaha diblomaasiyadeed ee Iran ay ku lahayd caasimadda Dimishiq ee Suuriya.

Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ayaa bayaan ay soo saareen habeenimadii sabtida ee xalay ku dhawaaqay in ay bilaabeen duqeymo, iyaga oo howlgalkan ugu magac daray “Balanqaad dhab ah”.

“Iyada oo laga jawaabayo dambiyada tirada badan ee taliska Sahyuuniyadda, oo ay ku jiraan weerarkii lagu qaaday qaybta qunsuliyadda ee safaaradda Iran ee Dimishiq iyo tiro ka mid ah taliyayaasha dalkeena iyo la taliyayaasha militariga ee Suuriya, Qeybta Hawada ee Kacaanka Iiraan waxay soo saartay tobanaan gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaaas oo lagu bartilmaameedsaday gudaha dhulka la haysto,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Wasiirka Difaaca Iran Brigadier General Mohammad Reza Ashtiani, ayaa dhanka kale uga digay dal kasta oo ciidiisa ama hawadiisa u furi kara Israa’iil, si ay u weerarto Iran, isagoo sheegay inay heli doonaan jawaabtooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this