Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin Ku Saabsan IRAN Oo Weerar Cirka Ah Ku Qaadday Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Iran ayaa gantaallo ay xambaarsan yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacday Israa’iil, kaasoo ah weerarkeedii ugu horreeyay oo toos ah oo ay ku qaaddo dhulka Israa’iil.

Afhayeenka militariga Israa’iil Rear Admiral Daniel Hagari ayaa sheegay, in Iran ay tobanaan gantaal oo cirka ku garaacday Israa’iil, kuwaas oo uu sheegay in intooda badan lagu qabtay meel ka baxsan xudduudaha Israa’iil.

Waxaa ku jiray in ka badan 10 gantaal oo nooca loo yaqaano cruisesiles, sida uu sheegay afhayeenka.

Afhayeenka militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in mid kamid ah gantaalada uu khasaare fudud u geystay mid ka mid ah xarumaha ciidammada Israa’iil.

Telefishinka Al-Manar ee Lubnaan ayaa ku warramay saldhigga ciidanka cirka Israa’iil ee Nevatim oo ku yaalla saxaraha Negev in xalay  lagu garaacay 15 gantaal oo nooca ballistic-ga ah oo riddada dhexe ah, inta uu socday weerarkii Iran, iyadoo warbixinta ay intaa ku dartay in weerarka xalay uu khasaare culus gaadhsiiyay kaabayaasha saldhigga yaallay oo ay ku jiraan diyaaradaha ciidanka cirka Israa’iil oo adeegsada F-15 iyo F-35 , saldhigga ayay warbixintu sheegtay inuu ka maqanyahay adeegga, sababo la xidhiidha burburka gaadhay.

Warbixinnada u horreyay ayaa sheegay in weerarkii xalay ay Iran ku riday Israa’iil;

•185 diyaaradood

•110 gantaal oo cruise

•36 gantaalada ballistic-ga

Geesta kale, Madaxweynaha Maraykanka  Joe Biden ayaa sheegay, in Maraykanku uu ku caawiyay Israa’iil inay soo riddo ku dhawaad dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Iran.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa kulan degdeg ah isugu yeedhi doono madaxda G7 maantoo Axad ah si jawaab midaysan looga bixiyo weerarka Iran.

Joe Biden waxa uu ugu baaqay Israaiil in ayna wax jawaab ah ka bixinin weerarka Iran, si la isugu dayo in xaaladda la qaboojiyo, balse waxa uu sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyinka laga maarmaanka  u ah ilaalinta amniga Israaiil.

Dhinaca kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay khatarta dhabta ah ee ka dhalan karta colaadda Bariga Dhexe.

Waxaa uu ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan si ay uga fogaadaan fal kasta oo horseedi kara iska-hor-imaadyo waaweyn oo ciidan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this