Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Markabkii MV Abdullah oo la siiyay, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho

Recommended Posts

Deeq A.   
9745598.jpeg?resize=800%2C534&ssl=1

Kooxda burcad-badeeda Soomaalida ee u afduubnaa markabka MV Abdullah ee laga lahaa dalka Bangladesh ayaa caawa siidaayay markabkaas kaddib markii ay ka qaateen lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 Malyan oo doolar.

Kooxda burcad-badeeda ayaa ka degay xeebaha degmooyinka Eyl/Gdobjiraan iyo Jariibaan ee gobollada Nugaal iyo Mudug, iyadoo boqolaal ciidamo ah oo Puntland ay ku sugnaayeen badda iyo berigaba.

Markabka MV Abdullah oo dhuxul u siday Imaaraadka ayaa la afduuby 12 March 2024, waxaana saarnaa 23 shaqaale ah oo dhammaantood u dhashay dalka Bangladesh.

Waa markii ugu horreysay oo burcad-badeeda Soomaalida ay lacag madax furasho ah qaataan tan iyo 2012.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Markabkii MV Abdullah oo la siiyay, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this