Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamd Ku Taalla Kenya oo Lasoo Taagay Nin Lagu Eedeeyay Aasaasidda Ururka Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad ku taalla wadanka Kenya ayaa lasoo taagtay nin lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyihii ugu muhiimsanaa kooxda Daacish ee bariga Afrika, kaas oo doonayay inuu kooxda ka aasaaso gudaha dalka, sida lagu shaaciyay cadeymaha ay xeer ilaalintu ay u soo bandhigtay maxkamadda uu kasoo muuqday.


Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ninkaan oo lagu magacaabo Mohamed Abdi Ali alias Abu Fidaa (Abu Shuhadaa) ku eedeysay inuu qorsheynayay inuu ururka Daacish ka dhiso dalka Kenya iyo gobolka Bariga Afrika sannadkii 2016, markaas kadib ayaa ciidanku ku bilaabeen baaritaanno.


Sanadkii 2016 ayaa ninkan lasoo qabtay, tan iyo waqtigaasna wuxuu ahaa xukun suge, Xafiiska guud ee Xeer Ilaalinta ee dalka Kenya ayaa warbixin uu soo saaray Jimcihii, ku sheegay in eedeysanaha lagu helay dembi ah inuu xubno u qorayay Ururka Daacish ee ka howlgala dalalka ay xasaraduhu ka jiraan xilligaan.


Xeer ilaalinta Kenya ayaa codsatay in ninkan lagu xukumo xabsi dhan ilaa 90 sano ah, sababo la xiriira culayska dambiyada lagu eedeeyay iyo saameynta ay ku yeelan karaan amniga Kenya, kooxdaan ayaa hadda ka dagaalanta qeybo kamid ah Soomalaiya oo la daris ah’ iyagoo fadhigoodu yahay Galgala.


Maxkamadda lasoo taagay ninkaan ayaa waxaa ay imaanaysaa iyadoo dalka Kenya gaar ahaan inta badan deegaannada dhaca xuduudda uu la wadaago Soomaaliya ay ka dhacaan weerarro ay geystaan Shabaab oo waxyeello kasoo gaarto muwaadiniin Keyan ah, taas oo keentay in ammaan dalka aad loo adkeeyo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this