Deeq A. Posted April 11, 2024 Markab ay saarnaayeen muhaajiriin u dhalatay dalka Ethiopia ayaa ku degey xeebaha dalka Djibouti, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo baaxad leh. Shilkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 38 qof, sida ay baahisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM. Hay’adda IOM ayaa sheegtay in la soo badbaadiyey 22 qof oo ka mid ahaa dadkii markabka qalibmay saarnaa. Markabkaas ayaa ka baxay dalka Djibouti, isagoo u socday dalka Yemen oo deris la ah Jabuuti, wax yar kadib markii uu shiraacday ayuu shilkaan dhacay. Jabuuti waa marinka ugu weyn oo ay sii maraan muhaajiriinta ka tegeya dalalka Geeska Afrika ee doonaya inay gaaraan wadamada Khaliijka. Marinkaan Jabuuti ilaa Yemen ee badda Cas ayaa ah mid aad u halis badan oo muhajiriinta isticmaalaya ay la kulmaan tacadiyo badan iyo shilal halis ah. Tan ugu daran waa in lacago badan laga qaado, la afduubo, xabsiyo la dhigo ama si khasab ah loogu shaqaysto. Source Share this post Link to post Share on other sites