Sign in to follow this  
General Duke

Garowe business: oil exploration, livestock, fish exports and ports...

Recommended Posts

GAROOWE : Agaasimaha Guud ee Macdanta iyo Shidaalka PL, Xassan Aloore “4-ta Ceel ee Shidaalka ee dhawaan laga qodi doono Puntland 2 ka mid ah waxaa laga qodayaa gobolka Nugaal”

Posted to the Web Nov 01, 15:03

 

Garoowe:-Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Macdanta iyo Shidaalka Puntland Dr. Xassan Osmaan Maxamuud (Aloore) oo xalay warbixin-dheer oo uu kaga hadlayo socdaalka shaqo ee u badnaa hawalaha Macdan-baarista iyo soo saarista Shidaalka Puntland oo ee ay dhawaan ku tageen dalal dhowr ah Wafdi uu hogaaminayo Cadde Muuse M/waynaha Puntland oo uu isagu ka mid ahaa Wafdigaasi ayaa sheegay in shirkad wayn ay heshiis la galeen in ay qodo 4 ceel oo Shidaal ah wuxuuna sheegay in 2 ka mid ah Ceelashaasi laga qodi doono gobolka Nugaal waliba meel aan Caasumada Garoowe uga fogayn 30Km.

 

Aloore wuxuu sheegay in Shirkada Canmix ay dalka galin doonto lacag dhan $ 50,000,000 oo ay u isticmaalayso baaritaanka khayraadka kaliya waxayna Lacagtaasi ku baxaysaa mushaarka shaqaalaha iyo hawlaha kale ee la xiriira dhammaan Lacagtaasi waa mid dalka galaysa , haddii la soo saarana shidaalka Puntland waxay ahaan doontaa meel laga qadariyo Caalamka oo dhan oo loo soo shaqa-tago islamarkaasna sharaf inoo wada ah.

 

 

Safarkayagu kuma koobnayn oo kaliya arimaha Macdanta iyo Shidaalka , hase ahaatee waxaa kaloo aan shirkadu kala hadalnay arimo badan oo ay ka miyihiin:-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoolaha Kalluumaysiga akadaha

 

 

 

Xoolaheena oo ah kuwo iminka aad u liita dhanka suuqgaynta (marketing) iyadoo ay dadku iska dhoofiyaan iyadoo aan suuq loo hayn xoolaheena taa soo sababta in qiimo aad u jaban lagu gato in ay daahdo iibsigooda iyo waliba iyadoo ay dhacdo in dib loo soo celiyo.

 

Si arimahan oo dhan looga baxo waxaan la kulanay Shirkado waawayn si nidaam caalami ah Else ah loogu dhoofiyo xoolaheena si ay magac iyo suuqba u yeeshaan , waxaana filaynaa in arintan oo iminka bilow ah ay wax inooka qabsoomaan.

 

Waxaan leenahay xeeb aad u dheer oo khayraad kala duwan ka buuxo dhanka Kalluumaysiga ayaa dhibaato xeebteena ka jirtaa , waxaa jariifa Jariifayaal aad u waawayn oo dhibaato ku haya Kalluunkeena iyo wax soo saarkeena , waxaan isku daynay in aan helno Shirkado inaga qaata Kalluunka oo ka hawlaga xeebaheena taa soo masaabaxaysa in Kalluunkeenu uu sii bato suuqna uu yeesho.

 

Dakada Boosaaso ayaa dhawaan la balaarin doonaa maadaama ay ku taalo meel istaraatiji ah masaabaxaysa in Maraakiib badan ay ku soo xirato haddii la ballaariyo , waxaan filayaa dhawaan waxaa iman doona khubaro arintan inaga caawin doonta waxaan filayaa marka la ballaariyo Dakada Boosaaso in la dhisi doono dakado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xaafuun , EYL iyo Garacad.

 

Arimahan oo dhan ayaa bilow ah waxaana Alle ka rajayn in ay inoo qabsoomaan , laakiin waxaas oo dhan oo horumar ah waxay ku xiran yihiin iskaashigeenka iyo ka shaqaynta ammaanka dalkeena iyo sida aan u soo dhawayno dadka ina caawinaya ayuu yiri.

 

 

 

Axmed C/salaam

 

Garoowe , Puntlandpsot.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

Il jenerale, I am becoming a little bit suspicious of your relentlessly attack on one group, while praising the other. Could it be that you are still harbouring the narcissistic and egnorant mindset of a certain individuals, who cannot fathom the fact that a leadership is not intrinsic to specific group or individuals.

 

As a Somali, I am very glad to see Boosaaso or any other town making a progress. GD, marka saxiibow waan kugu wareery, taas daraadet baan is iri, war macalinka amey kaga dhegtey xukuumat. Bal tuhunka igu jira ha iga baxee, ka hadal horumarka Xamar amaba magaloyinka kale ee waqtiyadii ugu danbeeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib, I am not here to please you or any group. If you would like to add something to the forum by all means do.

 

I know there are many here who add things regarding the progress of Mogadishu, Hargaysa, Baidoa, Gedo and other areas of the country, I give my support to such threads and never question the poster, nor suggest he needs to comment on the village of my choice to prove his fairness.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this