Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goob joog ka noqday Xil Wareejinta Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee NISA

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1712668791157.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii Hore, Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee Hay’adda Mudane Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay’adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.

“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka Khawaarijta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranku ay u leedahay qorshaha xoreynta dalka, waxa uuna sheegay in ay horseed u ahayd deegaannada laga xoreeyey gacanta argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo goob joog ka noqday Xil Wareejinta Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee NISA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this