Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay in Shabaab-kii ugu badnaa lagu dilay duqeyn ka dhacday…

Recommended Posts

Deeq A.   
Al-Shabaab-Al-Shabab-scaled.jpg?fit=2560

Xarardheere (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 50 dagal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Mudug.

Duqeyntan oo si gaar ah uga dhacday deegaan u dhow magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa lagu dilay Shabaab-kii ugu badnaa, sida ay sheegtay dowladda.

Warbaahinta dawladda federaalka ayaa sidoo kale waxay sheegtay in hawl-galkaan ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ka taageera dagaalka Al-Shabaab.

Howl-galkan ay sheegtay dowladda inay ku dishay Shabaabka badan ayaa imanaya ku dhowaad laba toddobad kadib markii dowladda ay sheegatay inay dishay in ka badan 80 ka tirsan dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Xubnahaas ayaa markaas la sheegay in lagu dilay hawl-gallo ka kala dhacay gobollada Mudug, Shabeellada Dhexe iyo Bakool.

Si kastaba, Xarardheere ayaa toddobaadyadii tegay wajaheysay culeys xooggan, oo uga imaanayay kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka kooxda ka dhanka ahaa.

Shabaab ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii ay dib ugu qabsan laheyd degmada oo kal hore laga xoreeyay, kaasi oo u muuqda isku-day fashilmay, maadaama uu dhawaan halkaasi tegay madaxweyne Xasan Sheekh, dibna looga bilaabay dar-darta gulufka uu gaabiska ku yimid bilihii dambe.

The post DF oo shaacisay in Shabaab-kii ugu badnaa lagu dilay duqeyn ka dhacday… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this