Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Cilmi Kabaal Foundation oo 400 oo Qoys ugu qaybisay Raashin Gobolka Awdal

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Cilmi Kabaal Foundation oo 400 oo Qoys ugu qaybisay Raashin Gobolka Awdal

Hargeysa(Qaran news)-Hay’adda Samaflka Cilmi Kabaal Foundation ayaa Kaalmo lacageed gaadhsiisay 400 qoys oo danyara oo ku nool gobolka Awdal, waxaaney sheegtay inay ugu talagashay inay ku ciidaan.

Qoysaska danyarta ah loo qaybiyay kaalmadan lacageed ayaa ku nool degaanada, Dila, Qulujeed, Boon, Xariirad iyo Gogta.

Guddoomiyaha Ha’yadda Samafalka Cilmi Kabaal Foundation Cabdi Qadir Suldaan Cuilmi Kabaal, ayaa sheegay in sanad kasta bisha barakaysan ee ramadaan ay bixiyaan deeqdan lacagta oo ay ku taageeraan dadka dadka danyarta ah si farxda ciida ay ula qaybsadaan bulshada inteeda kale, waxaanu guud ahaan bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay garab istaagaan dadka danyarta ah.
Gaba-gabdii waxgaradka iyo masuuliyiinta ku nool deegaanada ay hay’adu Kaalmadan lacagta ah gaadhsiisay ayaa ugu mahad celiyay ha’y’adda Cilimi Kabaal Foundation sida ay u caawiyaan dadka danyarta ah iyagoo sheegayin xiligii loo baahnaa ay deeqdani soo gaadhay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this