Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Sanaag oo la Kulmau Masuuliyiinta Laamaha Dawladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Sanaag oo la Kulmau Masuuliyiinta Laamaha Dawladda
IMG-20240408-WA0011.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Ahmed Cabdi Muuse ayaa Xafiiskiisa Kulan Kula qaatay Masuuliyiinta laamaha Dawladda ee Heer Gobol, waxaana Kulankaasi diiradda lagu saaray dar-dargelinta Shaqada Qaranka, Xoojinta Nabadgelyadda, diyaar Garowga Xuska Munaasibadda 18 Ka May.

Sidoo Kale waxa Kulankaas la isla qaatay Sidii taakulo buuxda laysula barbar taagilahaa Aasiya Cabdirisaaq Daahir oo ah Gabadh 17 Jir ah oo Reer Ceerigaabo ah oo labada Kelyood Fadhiisteen, Waxaana Kulankaasi lagu Magacaabay Guddi Ka Kooban Toddoba Xubnood oo loo xilsaaray ururinta qaadhaanka Taakulada Gabadhaasi ee dhinaca Dawladda”

Ugu dambayn Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Dr Mustafe Duulane oo Ka soo laabtay Dalka Hindiya oo ugu Maqnaa Xanuun Ka Haleelay laba Kelyood”

Dr Mustafe waxa si weyn u garab istaagay Markii Xanuunku haleelay Bulshada Reer Sanaag oo Badhasaabku Hormuud u ahaa”maanta waa Caafimaad Qabaa ilaahay Mahadii.

Dr Mustafe ayaa Sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato Taakulaynta Aasiya Cabdirisaaq Salaad.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this