Sign in to follow this  
Deeq A.

Waftiga ka socday barlamanka UK- amaanay Somaliland taageerayna isfahamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeisa,(Qaran news)-Afhayeenka waftigii xildhibaanada British-ka ahaa ee booqashada ku joogay Somaliland oo soo gabo gabo gabeeyay socdaalkoodii xaqiiq raadinta ahaa ee ay ku yimaadeen Somaliland ayaa amaanay dawlada iyo shicibka reer Somaliland sidii ay u soo dhaweeyeen waxan u sheegay in ay aad uga shaqayn doonaan in Somaliland ay mar labaad aqoonsi caalami ah ay hesho waxana uu yidhi.

Heshiiska Is-afgaradka (MOU) wuxuu hoosta ka xariiqayaa kartida baaxadda leh iyo mustaqbalka rajada leh ee ay Somaliland haysato. Waxa si isa soo taraysa u caddaatay in dawlado ay ka mid tahay dawladda UK ay tahay in ay aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland. Anagoo ah asxaabta taariikhda wadaaga ah, waxa lama huraan ah inaan sii xoojino taageeradayada Somaliland ee guusha iyo xasiloonida joogtada ah”.

Waxana uu xusay in Somaliland ay ku soo biiri doonto wadamada barwaaqa sooranka marka la aqoonsado isaga oo sheegay in ay Somaliland tahay wadan nabdoon oo qurux badan isaga oo sheegay in ay soo mareen meelo badan oo mihiim ah oo ay ka mid yihiin Berbera iyo Hargeisa iyo sidoo kale Laas geel oo ah goob taariikhi ah

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this