Sign in to follow this  
General Duke

Horn Afrik PUNTLAND troops heading towards South

Recommended Posts

Cade Muuse oo maanta la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ayaa u sheegay inay u diyaar garoowaan la shaqeynta dowladda fedraaliga Soomaaliya.

 

April 02, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntalnd Cade Muuse oo maanta la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo maalmahan lagu uruurinayey magaalada Boosaaso ayaa u sheegay inay u diyaar garoowaan la shaqeynta dowladda fedraaliga Soomaaliya.

 

Ilaa sideed Boqol oo Askari oo ka mid ah ciidankii hore xoogga dalka Soomaaliyed ku xareysan meel yar oo dibadda ka xigta garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa maanta kulan afar saacadood ah waxaa la qaatay Jen Cade Muuse.

 

Jen. Cadde waxa uu sheegay inay yihiin cidda ugu horeysa ee looga fadhiyo inay qeyb ka qaataan ammaanka dalka Soomaaliya islamarkaana ay wax ka qabtaan sidii dowladda Fedraaliga Soomaaliya u sal dhigan laheyd goob kasta oo ay degtana ammaankeeda u xasilil lahaayeen.

 

Hadalka Cadde Muuse ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo kordheyso tuhumada sheegaya in ciidamo ka socda dowlad goboleedka Puntland ay ku sugan yihiin qeyba ka mid ah ismaamulka Soomaalida Itoobiya kuwaas oo loogu talagalay inay tagaan meel kasta oo dowladda Soomaaliya sal dhigato.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidamadaas ay ku sugan yihiin deegaanka Qurac joome iyo Ceel barde kuwaas oo la filayo inay ku biiraan kooxaha maleeshiyaadka ee ku sugan deegaanka Xudur oo dhawaan magaalada Baydhabo laga saaray.

 

Mr. Cadde ayaa hore u carabaabay in Puntland ay diyaar u tahay in ciidamo kaabto islamarkaana ay u direyso meel kasta oo dowladda ay dageyso.

 

Madaxweynaha dowladda fedraaliga Soomaaliya Cabdulaahi Yuuusf Axmed oo 10-kii October ka hor madaxweyne ka ahaa dowlad goboledka Puntaland ayaa hore u sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay noqota tiirka ugu horeeya ee la doonayo inay xasileyso Soomaaliya inteeda kale.

 

Guud ahaan wararka soo baxaya ee ka soo yeerayo mas’uuliyiinta Puntland ayaa muujinaya inuu jiro dareenka shacabka ay qabaan oo ah in ciidamo ka socda Puntland ay ku sugan yihiin ismaamulka Somaalida itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this