Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasigii weynaa ee Abiib Timacad oo geeriyooday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Alleh ha u naxariisto siyaasi Abiib  Timacad oo ku geeriyoodey dalka Germany.

Siyaasi Abiib Timacad waxa uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland isaga iminka ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI.

Murrashaxa madaxweynaha xisbiga WADDANI dr. Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay ayaa  waxa uu yidhi sida tan:

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN;

Waa geeri xannuun badan runtii, waa se aynu ku samraynaa qaddar ALLE, waxaa hadda la ii xaqiijiyey geerida walaalkay iyo saaxiibkay Marxuum Wasiir hore Abiib Diiriye Nuur Wacays (timacad) oo xaqii ugu yimid dalka Jarmalka oo dhawaanahan xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayey.

Marxuumka laba bilood ka hor ayaan hoygiisa uu ka degannaa magaalada Hargeysa ku booqday, waxa aan ka marag kacayaa in uu ahaa addoon saalix ah oo wanaagsan, saaxiib dun xariira leh, Oday weyn oo ka shaqeeya maslaxadda guud ee umadda, Mujaahid dalkiisa u soo halgamay, Xukuumadihii ugu badnaa xilalka Wasiirnimo ka soo qabtay oo dalkiisa u soo shaqeeyey, iminkana ahaa siyaasi culus oo ka tirsan madaxda sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Geeridiisa, waxa aan uga tacsiyadeynayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, asxaabta, caruurtiisa, ilma Xaamud Jibriil oo uu abtigood ahaa iyo dhammaan shacabka reer Somaliland, Ilaahayna waxa aan uga baryayaa in uu ku hubsado Jannatul firdowsada sare, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo. Aamiin.

_________________

Cabdiraxmaan Cirro.

Makkah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this