Jacaylbaro Posted November 15, 2009 Madxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin isagoo ka duulaya qodobka 90aad farqadiisa labaad ee dastuurka JSL , Isla markaana tixgalinaaya ahmiyada weyn ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiintu u leedahay dhismaha dalka iyo Qarankaba iyo baahida weyn ee loo qabo buuxinta hawsha jagada Wasiir ee Wasaaradaasi, waxa uu u magacaabay Mudane Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandule) inuu si rasmiya u ahaado Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Igaadhsiinta JSL. Madaxweynuhu isaga oo ku qanacsan kartida, aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee uu leeyahay Wasiirka Cusub mudane Cali Maxmuud Axmed (Cali-Sandule) waxa uu amray in uu sida ugu dhakhsaha badan ula wareego xilka wasaaradaasi laga bilaabo maanta 15.11.2009 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 15, 2009 Waxaa maanta wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha JSL Daahir Riyaale Kaahin lagu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Sool Faarax Askar iyadoo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed loo magacaabay wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiinta ee JSL. Digreetadan maanta soo baxday ee lagu magacaabay labadan masuul ee xilalka loo kala bedelay qaar na xilal cusub loo magacaabay ayaa waxa ay kaso jeedaan Gobolka Sool iyadoo Cali Maxamuud Axmed uu xilka Gudoomiyaha hayay ka hor intii aysan maamulka Somaliland aysan soo gaadhin magaalada Laascaanood. Cali Maxamuud Axmed ayaa waxa uu maamulka Somaliland si adag uga dhaqaajiyay magaalada Laascaanood iyadoo hadda uu maamulka Somaliland ay laamihiisa kala gedisan ay si toos ah uga shaqeeyaan Gobolka iyadoo Gudoomiyuhu uu ahaa nin si wayn uga shaqayn jiray nabad gelyada iyo hormarka Gobolka Sool. Hadaba Faarax Askar oo hadda loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa horay waxa uu u ahaan jiray Gudoomiyaha waxbarashada Somaliland ee Gobolka Sool 2007-kii isagoo in muddo ah ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa shacabka magaalada waxa ay hadda ka sugayaan inuu is bedel muuqda oo wayn ka sameeyo xaalada Gobolka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 15, 2009 Horta booss ma leenahay lol adress ba ma lihin Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted November 16, 2009 i heard this meeting was postponed since the ministry of baranbaraada was missing. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 16, 2009 I didn't know you were the minister of baranbarada ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites