Sign in to follow this  
Deeq A.

Waftiga ka socday Barlamaanka UK- Socdaal Lug ah ku soo maray Suuqyada Hargeysa Lana Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Screenshot_20240407_032918_Chrome.jpg

Hargeysa (Qaran news)-Xildhibaanadii ka socday barlamaanka UK- ee ayaamahanba booqasho ku joogay Somaliland ayaa maanta socdaal lug ah ku soo maray goobo badan oo ka mid ah magaalada Hargeysa siiba suuqa badhtamaha Hargeysa taasi oo ku tusaysa amniga ka jira dalka gaar ahaan magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.
Screenshot_20240407_032932_Chrome.jpg
Xildhibaanadani waxa hor kacaayay oo goob kasta oo ay maraanba u sharaxaayay Maayarka caasimsda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge

Dhanka kalena waxa ay waftigu lakulmeen oo warbixino ka siiyay xaalada dalka.
IMG-20240406-WA0029.jpg
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna kusimaha Wasiirka Cabdillaahi Xuseen Maxamed, uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa kulan la qaatay wefti ka socdey Baarlamaanka Dalka Ingiriiska uu hoggaaminayo xildhibaan Alexander Stafford iyo xubno kale oo ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa weftiga warbixin ka siiyey xaalada guud ee nabadgelyada Dalka Somaliland, doorka ay Somaliland u leedahay xasiloonida Geeska Afrika iyo wada shaqaynta taariikha ah ee ka dhaxaysa labada Dalka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Weftigan waxaa wehelinayey kulankan Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ingiriiska Cabdi Cabdilaahi Xirsi, halka Wasiirka iyo Taliyaha Ciidankana ay kulanka ku wehelinayeen Masuulin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this