Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee markabka MV Abdullah ee lagu haysto xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1712444069920.jpg?resize=640%2C35

Shirkadda iska leh markabka MV Abdullah iyo kooxda burcad-badeedda Soomaalida ah ee haysata ayaa la sheegay in ay ku heshiiyeen habka lacag wareejinta.

Kooxda burcadda ayay shirkaddu u fulin doontaa dalabkooda lacagta madax-furashada ah si ay u sii-daayaan markabka iyo 23 shaqaale ah oo saaran, sida ay sheegeen dad la socda xaaladda markabka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in 72 saac ee soo socota la filayo in kooxda markabka afduubka u haysata in ay soo gaarto lacagta ay ku sii deynayaan markabka oo lagu qiyaasay $5 milyan oo dollar.

La-taliyaha warbaahinta shirkadda iska leh markabka , Mizanul Islam ayaa u sheegay wargeyska Bangla Tribune  in ay wada-hadal miro-dhal ah la yeesheen kooxda markabka haysata, islamarkaana xilli walba la sii deyn karo markabka iyo shaqaalaha saaran.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee markabka MV Abdullah ee lagu haysto xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this