Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiir Maxamed Binu Salmaan oo kulan yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1712439058289.jpg?resize=720%2C43

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Dhaxal-sugaha dalkaas, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga.

“Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga” aya lagu yiri Qoraalka Villa Somalia.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Kulanka looga hadlay Madax-bannaanida Soomaaliya” Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiir Maxamed Binu Salmaan oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this