Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku xigeenka 1″aad ee golaha wakiilkada oo la kulmay xildhibaanada Baarlamaanka UK

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Wakiilkada oo la Kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka UK
IMG-20240406-WA0027.jpg
IMG-20240406-WA0026.jpg


Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiillada, isla markaana ah Siihayaha Guddoomiyaha Golaha, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), oo ay weheliyaan mudanayaal iyo guddoomiyeyaal guddiyo iyo La-taliyaha Shirguddoonka ee Horumarinta iyo Arrimaha Caalamgiga ah, ayaa saaka ku qaabilay xafiiskiisa wafdi isugu jira mudanayaal Baarlamaan, saaxiibbada Somaliland ee dalweynaha Ingiriiska iyo xubno ka socdey saxaafadda madaxa bannaan ee dalkaasi.Waxa labada dhinac isweydaarsaadeen aragtiyo, talooyin iyo guudmar iftiiminayey xidhiidhka qotada dheer ee labada dal ee Ingiriiska iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhexeeya, marxaladaha saaxiibtinimada labada dhinac taabto xilliyada isgadgaddoonka badan ee haatan dunidu ku sugan tahay, sooyaalka dimuqraadiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo sii-horumarinta Tabaha iyo toobinnada Jamhuuriyaddu xilligan uu heensaysatay helitaanka aqoonsi caalami ah oo dal iyo dadba Somaliland kaga mid noqoto mar kale dalalka madaxa bannaan ee ku wada tashada, kuna wada hadla madalaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee adduunka.
Ugu horrayn, waxa Guddoomiyuhu si diirran ugu soo dhoweeyey Golaha iyo Jamhuuriyadda
Somaliland ba mudanayaasha iyo xubnaha kale ee milgada leh ee ka midka ahaa wafdiga oo uu horkacayey Wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Ambassador Cabdi Cabdullaahi Dayaxweerar.
Intaa ka dib, waxa Guddoomiye Giirre uu u dul maray wafdiga hannaanka iyo geeddi-socodka
Jamhuuriyadda Somaliland u soo martay hanashada dawladnimeeda iyo doorashooyinkii siddeeda ahaa ee ah hal-qof iyo hal-cod ee ka soo bilaabmay 2001 iyo aftidii Dastuurka Qaranka ilaa kuwii natiijadooda ay xilalalka si nabdoon kula kala wareegeen saddex madaweyne, laba Gole-wakiillo – oo uu ka mid yahay kan hadda fadhiya oo xilka loo dhaariyey Ogost 2021 – iyo saddex golayaal deegaan oo dalka oo iidil ah.

Waxa Guddoomiye Giirre ku nuuxnuuxsaday sida Jamhuuriyadda Somaliland ugu fara-adaygtay taabbagelinta maamul-wanaaggeeda iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ay ku dhaqanto.
Waxa Guddoomiyuhu taabtay doorka Golaha Wakiillada Somaliland, oo ah ah aqalka hoose ee labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland, uu ku leeyahay sharcidejinta, korjoogtaynta iyo metelaadda bulsha, iyo sida muddadii uu xilka hayey u ansxixiyey xeerar halbowle ah oo uu ugu dambeeyey kaabistii iyo wax-ka-beddelkii Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, oo saxal tiray
suurtagalnimada qabsoomidda doorashooynika isku sidkan ee Madaxweynaha iyo ururrada siyaasadda ee loo ballamay sannadkan dabayaaqadiisa.
Dhiancooda waxa hadalka isaga daba maray Xildhibaan Tim Loughton iyo Xildhibaan Alexander Stafford oo labaduba si mug leh uga mahdadooday soo-dhoweynta iyo qalbi-furnaanta ay kala kulmeen Somaliland, iyo sida ay saaxiibbada Somaliland uga go’an tahay isbarbar taagista dimuqraadiyadda iyo dawladwanaagga ka tisqaaday Jamhuriyadda Somaliland.

Waxa xildhibannadu tilmaameen ahmiyadda jiritaanka iyo joogtaynta nabadda iyo ganacsiga mandaqaddani u leedahay dunida oo dhan, iyo sida ay muhim u tahay in dhidibbada loo adkeeyo saaxibtinimada iyo danwadaagnimada dalkan iyo daneeyayaasha kale ee ama deriska ah ama dunida reer Galbeedka.

Waxa mudanayaashu tilmaameen ee geeddiga loogu jiro dib-u-hanashada madaxbannaanida Somaliland loo baahan yahay in laga hor duwo turunturrooyinka ay wajihi karto iyada oo la labalaabayo, lana sii dardargelinayo xodxodashada caalamka iyo ka-raaridiisa ahmiyadda biyo-kama-dhibcaanka ah ee dawladnimada qaran si walba u madax bannaan oo Somaliland noqoto.

Waxa labada dhinac isla qaateen in la abuuro gole wadaag ah oo xidhiidhiya saaxiibbada Somaliland ee UK iyo mudanayaasha Baarlamaanka Somaliland si loo sii xoojiyo doorka muuqda ee mudanayaasha labada dhinac ku yeelan karaan dhidbidda dawladnimada Somaliland iyo isu-soo-dhowaanta labada qaran ee Somaliland iyo Ingiriiska.
Waxa, ka sokow ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Muadane Siciid Mire Faarax ‘Giirre’, madasha fadhiyey qayb muuqatana ku lahaa kulanka,
Xildhibaan Xuseen Ismaaciil jaamac,
Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha iyo Maaliyadda, Xildhibaan Abu Bakar Siciid Cali,
Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiyada Maaliyadda iyo Dhaqaalaha, iyo Muadane Xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac oo isla guddidaas ah,
Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, Xildhibaan Mubaarag Muuse Ismaaciil iyo Xidlhibaan Maxamed Cismaaan Liimo, oo Guddida Arrimaha Dibedda, Maalgelinta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, iyo La-Taliyaha Shirguddoonka ee Arrimaha Horumarinta iyo Xidhiidhada Caalamiga ah,
Xasan Maxamed Jaamac ‘Xiis’.

Dhinaca Ingiriiska, waxa hoggaaminayey labada
mudana ee aqalka Hoose ee Ingiriiska (House of
Commons) oo labaduba ka tirsan Xisbiga Conservative’ka, Mudane Tim Loughton iyo M/ne Alexander Stafford, iyo Jason MacKenzie iyo Hanad Darwiish oo ka socdey kooxda loo yaqaan College Green Group, iyo Graham Stewart iyo Georgia Gilholy, oo ka socdey saxaafadda madaxa bannaan, haatanna ka mid ah bahda (The Critic ) iyo ( The Spectator.)

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this