Sign in to follow this  
Deeq A.

Hanti-dhowrka oo shaaciyey musuq-maasuq ka socda safaaradda Soomaaliya ee..

Recommended Posts

Deeq A.   
Safaarad-Soomaaliyeed.jpg?fit=1920%2C108

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa maanta shaaciyay warbixin baariseed uu ku sameeyay mid kamid ah safaaradaha Soomaaliya ee ku yaalla dalalka Carabta, gaar ahaan midda ku taal magaalada Masqad ee Saldannadda Cummaan.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa u gudbiyey Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Warbixin Baariseed Fatash ah (๐…๐จ๐ซ๐ž๐ง๐ฌ๐ข๐œ ๐€๐ฎ๐๐ข๐ญ ๐‘๐ž๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ) oo Xafiiska Hantidhowrka Guud uu ku sameeyey ๐’๐š๐Ÿ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ž๐ž ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐š๐ฅ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ช๐š๐ญ ๐ž๐ž ๐’๐š๐ฅ๐๐š๐ง๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง.

Warbixintan ayaa waxaa lagu soo bandhigay eedeymo waa wayn oo isugu jiro musuq, ku takarifal iyo lunshashada xoolo dadweyne oo ay lahayd dowladda Soomaaliya.

Warqad kasoo baxday xafiiska Hantidhowrka Qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa lagu sheegay in warbixintaan ay dabooleyso wixii dhacayย 1/01/2019 illaa 31/12/2023.

Eedaha loo jeediyay safaaradda waxaa kamid ah musuq-maasuq, ku takrifal awoodeed, been abuur dukuminti, lunsashada dakhli habraac khaldan loo uruuriyay, xaraash hantida safaaradda, lunsi iyo leexsi lagu sameeyay gaadiid deeq ah oo Saldanadda Cummaan ugu deeqday dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu muujiyay in safiirka uu ku kacay halis way oo saameysay magaca iyo sharafka dowladda Soomaaliyeed.

Marka laga soo tego eeda loo jeediyay safiirka ayaa waxaa hadana lagu sheegay warbixinta inay jiraan shaqsiyaad kale oo safaaradda ka tirsanaa oo sameeyay falalkaasi musuqa ah.

โ€œWaxaa ku lug leh dad isugu jiro madax iyo shaqaale dowladeed oo ka tirsanaa safaaradda ama xiriir wada shaqeyneed uu sharci darro ah ka dhexeeyayโ€ ayaa lagu yiri warqadda.

Horay xafiiska hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa sidaan oo kale usoo bandhigay warbixinno baariseed ka dhan ah safaarado iyo hayโ€™ado ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood lagu helay kiisas xasaasi ah oo musuq-maasuq ah.

435003061_745173404469123_30012319222426

The post Hanti-dhowrka oo shaaciyey musuq-maasuq ka socda safaaradda Soomaaliya ee.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this