Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal sare oo Turki ah oo lagu dilay qarax ka dhacay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xog cusub ka bixiyey sarkaal Turki ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho, xilli uu ku sugnaa duleedka caasimadda, kuna howlanaa caawinta qoysas Soomaaliyeed oo danyar ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qarax ku dishay samafalahaas, isagoo caawinaya qoysas danyar ah oo ku nool deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ninka Turkiga ah ee la dilay uu lahaa hey’ad samafalka ka shaqeysa oo afurineysay dadka sooman ee aan awoodin inay cunto ku filan helaan, si gaar ah lacag nus Milyan doollar ah ayuu sheegay inuu u qorsheeyey dadka lagu dhex dilay shalay.

“Allaha u naxariisto muwaadinkii Turkiga ahaa ee isaga oo sooman, sadaqo qaybinaya ay argagexisadu dileen. Waxaa la ii sheegay in qorshaha hay’adiisu ahaa in ay labo boqol oo kun oo dadkeena danyarta ah u qaybiyaan min $20, taasoo ah lacag ku dhow nus malyuun doolar.

Alle aan u barino in uu muwaadinkaas naxariistiisa huwiyo, nagana qabto cadowga argagexisada ah ee dilay qof muslim ah, sooman sadaqo dadkeena dhibaataysan u qaybinaya.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this