Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Maraykanka oo sheegay in Iran isu diyaarinayso weerar ka dhan ah Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1712353737182.jpg?resize=720%2C48

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in ay heleen xogta weerarro argoosi ah oo ay diyaarinayso Iran in ay qaado ka hor 9 April oo ku beegan dhammaadka bisha Ramadaan.

Warbixintaasi oo ay soo bandhigtay shabakada CBS NEWS ayaa intaa ku dartay in ay weerarrada ay doonayso Iran in ay qaado inay isugu jiraan kuwa ay u adeegsanayso gantaalada riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , iyadoo weerarradan ay ka dhaci karaan xarumaha diblomaasiyada ee Israa’iil ay ku leedahay dibadda.

Dhinaca kale  Israa’iil waxay xirtay 28 safaaradood oo ay ku lahayd caalamka , cabsi ay ka qabto in ay weerarro ka dhacaan, sida uu ku warramay wargeyska Jerusalem Post.

Iyada oo laga jawaabayo hanjabaadaha sii kordhaya ee Iran kaddib markii Israa’iil ay duqeyn ku dishay saraakiil sare oo Iran ah, weerar ka dhacay safaaradda Iran ee  Suuriya ah, 28 safaaradaha Israa’iil iyo qunsuliyadaha caalamiga ah ayaa si ku meel gaar ah loo xiray.

Wararka ayaa sheegaya in safaaradaha la xiray ay ku jiraan kuwa ku yaalla ; Azerbaijan, Bahrain, Masar, Jordan, Morocco, iyo Turkmenistan. Dalalka kalana safiirada qaar ayaa lagula taliyay inay ka fogaadaan munaasabadaha ay dadka badan isugu imaanayaan.

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Maraykanka oo sheegay in Iran isu diyaarinayso weerar ka dhan ah Israa’iil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this