Sign in to follow this  
General Duke

Updated news: Shariff arrives with 5 MP's + 17 broken technicals

Recommended Posts

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKG Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo 5 Xildhibaan oo la socday ayaa ka dagay Maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dayniile. :: (95 Reads)

 

Posted by webmaster on Sunday, May 15, 2005 - 09:04 AM

 

Shariifka oo la sheegay in si caro leh uu ku gaaray goaanka ah in uu Magaalada Nairobi uga dhoofo ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka danbaysay ka gadaal markii uu ka dhaga adaygay codsiyadii uga imaanayay Madaxwaynaha DFKG, Mudane C/llahi yuusf Axmed iyo Raysul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo iyagu si sharci ah u soo hordhigay Mooshin ay dalbadeen Xildhibaano gaarayay 152, Mooshinkaas oo uu Gudoomiyay ugu danbayntii Prof Maxamed Cumar Dalxa oo isagu ah Gudoomiya ku xigeenka Baarlamaanka.

 

 

Si kastaba xaaladu ha ahaate Shariifka iyo 5Xildhibaan oo kale ayaa maanta Magaalada Muqdisho gaaray iyaga oo fulinayay Hishiisyo ay horey ula galeen Hogaamiyayaasha Muqdisho oo iyagu iskood isugu amray in ay Magaalada Muqdisho wax ka qabanayaan, taasoo Bulshada Soomaaliyeed ay u arkaan in ay tahay (Qowda Maqashii Waxna ha u qaban).

 

Halka Raysul Wasaare Cali Maxamed Geedi uu u magacaabay Wax ka qabashada Magaalada Muqdisho Gudi uu Madax u yahay Raysul Wasaare ku xugeenka koowaad ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Xuseen Maxamed Faarax Caydiid.

 

Xubanaha maanta Horay u sii Raacay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ka mida Xildhibaano si shakhsi ah Mucaarad ugu ah Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane C/llahi Yuusuf Axmed

 

Wasiirka Awqaafta iyo arimaha Diinta Cumar Maxamed Maxamuud(Filish)

 

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

 

Xildhibaan Zakiya Caamir

 

Xildhibaan Caasha Axmed

 

Xildhibaan Caa’isha Cabdi Sheekh.

 

Waxaa iyana la sheegayaa in ay Shariifka horay u sii raaceen xubno ka mida Bulshada Soomaaliyeed oo iyagu horay ujoogay Magaalda Muqdisho, kuwasoo aan ka mid ahayn Xubnaha labada Gole ee DFKG.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiyayaasha Muqdisho ayaa isu Keenay 17 Tickniko ah' Meeshii laga Sugaayay 85' Halka Xaafadaha Magaalada Muqdisho ay u yaalaan Isbaarooyin. :: (61 Reads)

 

Posted by webmaster on Sunday, May 15, 2005 - 09:33 AM

 

Hogaamiye kooxeedka Muqdisho iyo xubnaha kamid ah labada Gole ee dowlada kana mid ah kooxaha hubeysan ee magaalada Muqdisho ayaa shalay markii ugu horeysay isku keenay tiro gaadiidka dagaalka ah.

 

Gadiidkan loo yaqaan Tiknikada ayaa qeyb ka ahayd qorshaha nabadeynta magaalada Muqdisho oo ay iyagu iclaansadeen.

 

Gawaaridan Tiknikada ah oo isugu jira nooca waaweyn iyo kuwa yar yar ayaa gaarayey 17 waxaana shalay la isugu geeyey stadium Muqdisho.

 

Hogaamiye kooxeedka Muqdisho oo ay jirtay cadaadis kasoo fuulay beelahooda oo si weyn uga niyad jabay ayaa sameeyay wax u eg dhaq dhaqaaq laakiinse aan marna la aamini karin, Mar hadii Xaafadaha Magaalada Muqdisho dadka Soomaaliyeed Wali lacagaha Baada ah laga guraaayo.

 

Tiradaan tiknikada ah oo horey loogu heshiiyey ayaan la keenin ayadoo heshiisku ahaa in 85 tikniko ah la keeno taasoo dadka badankiis ay u arkana in ay tahay is aamin daro ka jirta Hogaamiyayaasha dhexdooda.

 

Isku wada duuboo Dadwaynaha Muqdisho ayaa iyagu ah kuwa sida goonida ah ay u taabanayso dhibaatada ay ku hayaan Hogaamiyayaasha Hubaysan ee Muqdisha jooga.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this