Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda oo gabtay adeegyada Caafimaadka ee bulshada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda oo gabtay adeegyada Caafimaadka ee bulshada Somaliland

Hargeysa(Qaran news) Xukuumadda Muuse Biixi ayaa gabtay adeegyada caafimaadka ee magaalooyinka dalka.

Dhawaan waxa iyadoo gabadh qaliin adeeg caafimaad loo fidinayo ku bakhtiyay laydhka cusbitaalka Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd. Taasi oo keentay cadho dadweyne. Iyadoo xisbigà WADDANI uu mishiin weyn oo laydh ugu deeqay cisbitaallkaas.
Screenshot_20240405_055139_Chrome.jpg
Sidoo kale waxa shalay warbaahinta walaac lagaga muujiyay muuqaal laga duubay hooyo ilmo xanuunsanaya siday oo cisbitaslka Burco ka weyday cid u shaqeysta iyadoo qaybta gurmadka degdega ahi xidhnayd xiligaasi waxana arrintaas walaac ka muujiyay shacbiga Burco oo ku tilmaamay mid xaqiijinaysa adeeg xumada cisbitaalka magaalada.

Gabi ahaanba adeega caafimaad ee ay xukuumaddu bixiso ee dalka oo dhan ayaa aad u liita, waxana dadweynahu ay aad uga dayrinayaan adeega cisbitaalada gaarka loo leeyahay iyo dhakhaatiirta gaarka ah oo dadka ku daaweeya lacag xad dhaaf ah oo ayna dadka danyarta ahi kari karin, taasi oo la odhan karo xukuumaddu way ka gaabisay in ay xakamayso.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this