Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska ay Djibouti ku leedahay Somaliland oo xidhan iyo wakiilkii oo mudo maqan

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeisa, (Qaran news)-Wakiilkii dalka Djibouti u joogay Somaliland Ambassador Xuseen Cumar Kawaaleye ayaa dalka isaga baxay tan iyo intii uu heshiiska is fahamka ahaa uu dhex maray Somaliland iyo Itoobiya mudo hada laga joogo 3 bilood.
imageproxy.jpeg
Ambassador Xuseen Cumar Kawaaleye ay xukumadiisu u yeedhay kadib markii ay ka cadhootay heshiiska is faham ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Xafiiska ay Djibouti ku leedahay Hargeysa ayaan sadexdii bilood ee la soo dhaafay wax shaqo ah aan qabanin oo iska xishnaa iyada oo ay xiligan Somaliland ku noolyihiin tiro badan oo reer Jabuuti ah kuwaasi oo uu xafiiskaasi u qaban jiray adeegyo kala duwan.

Dadka reer Jabuuti ee ku nool Somaliland ee tagaayay xafiiska Hargeysa ay Jabuuti ku leedahay waxa loo sheegaa in adeegii ay ka heli jireen xafiiska ay u tagaan magaaladda Jubuuti taasi oo aan la hubin xiliga dib loo furi doono xafiiskaasi

Ma cada ilaa hada in ay dawladda Jabuuti ay Somaliland kala baxday wakiilkeedii iyo in uu ilaa hada ku maqanyahay wada tashi.

Warar kale ayaa sheegaaya in ay Djibouti wakiilkeeda Hargeysa soo bedeli doonto oo ay wakiil cusub soo magacaabi doonaan.

Dhanka kalena waxa caadi u shaqaynaaya oo hawlihiisa wata xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalka Jabuuti.

Somaliland ayaa waxa dalka Jabuuti ka jooga Ambassador Abdifatah Siciid Ahmed, oo ah diblomaasi hore uga soo hawl galay dalalka Ingriiska iyo Ireland oo uu wakiil uga soo noqday Somaliland ka hor intii aan loo magacaabin xafiiska Somaliland ee dalka Djibouti.

Wali ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Djibouti ka soo saartay wakiilkeeda ay kala baxday Somaliland iyo sababta uu 3 bilood uu xafiiskoodu u xidhanyahay iyada oo ay jiraan muwaadiniin reer Jabuuti ah oo baahi weyn u qaba xafiiskaasi ay Djibouti ku leedahay Hargeysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this