Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Fashilantay ee Soomaaliya oo ku dhawaaqday tallaabo laabla-kac ah oo ku wajahan Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda fashilantay ee Soomaaliya oo ku dhawaaqday tallaabo laabla-kac ah oo ku wajahan Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa(Qaran news)-Dawladda fashilantay ayaa u soo jeedisay safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya uu muddo 72 saacadood ah kaga baxo Muqdisho. Waxa isna ay u yeedheen safiirkoodii u fadhiyay Addisababa.

Sidoo kale waxa ay ku dhawaaqday Soomaaliya tallaabo laab la kac ah oo ku saabsan in Itoobiya ay xidho safaaradeeda Somaliland, taasi oo ah hadal af laga yidhi iyo riyo aan soconaynin.

Somaliland iyo Itoobiya waxa muddo ka badan rubuq qarni ka dhexeeyay cilaaqaad saaxiibtinimo oo ku wajahan dhinacyada amniga iyo iskaashiga.

Waxa kale oo Dawladda Xasan Sheekh Jahowareer ku riday heshiiskii usfahan ee ay 1dii Janaury 2024ka ay kala saxeexdeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Raysalwasaare Abiy Ahmed oo ku wajahnaa in Somaliland Itoobiya ka kirayso 20km oo saldhig baddeed ah, halka is afgaradku jidaynayo in Itoobiya ay noqoto dalka koowaad ee aqoonsada madaxbannaanida qarannimada Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this