Deeq A. Posted April 4, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulanlkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee (NISA) oo loo magacaavay Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hadda ka tirsanaa Golaha Shacabka. Magacaabista Sanbloolshe ayaa timid, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, taas oo ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya. “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka. Sanboolshe ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad. Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay. Mahad Salaad ayaa xilkan iska casilay, wuxuuna u hanqal taagayaa hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo ka qayb-geli doono doorashada soo socodta ee Galmudug. Mahad Salaad ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii May ee 2022-kii, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna kahor ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka. Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah.The post DEG DEG: Sanbaloolshe oo loo magacaabay agaasimaha NISA appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites