Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdullaahi Sanbaloolshe oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA

Recommended Posts

Deeq A.   
99789103_cabdullaahisanbaloolshe.jpg?res

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay in Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu noqdo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Xamse ayaa lagu sheegay im Golaha Wasiirada Soomaaliya uu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)”.

“Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Cabdullaahi Sanbaloolshe oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this