Sign in to follow this  
Deeq A.

Walaha Wasiirrada oo Sanbaloolshe u Macgacaabay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay muddadii xilka hayay, xilligaas oo lagu guuleystay in hey’addu ay yeelato sharci ay ku howlgasho oo la ansixiyay.

Wararka ayaa sheegaya in iscasilaadda Mahad ay kusoo aadayso xilli uu kamid noqonayo musharraxiinta dowlad goboleedka Galmudug oo la filayo in dooarashadiisa ay dhacdo bisha November ee sanadkaan, xilli uu tartan adag kala kulmi doono madaxweynaha talada haya Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Golaha Wasiirrada ayaa 26-kii Maarso 2022 u magacaabay Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamaed Salaad, waxaana muddaadii uu joogay oo laba sano oo maalmo dhiman ah lagu amaanay inuu shaqo adag ka qabtay hey’adda iyo isbedelka guud ee dhinaca amniga.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this